Mas'uuliyiin DF u xirtay musuqmaasuq oo mar kale maxkamad lasoo taagay

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Maxkamadda gobolka Banaadir ee magaaladda Muqdisho waxaa mar kale maanta kasoo muuqday mas'uuliyiin iyo shaqaale ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka dowladda federaalka ah.

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa war-saxaafadeed ku shaaciyey in uu fadhiga maxkamadda ku soo bandhigay caddeymaha iyo eedaha.

Eedeysaneyaasha ayaa wajahaya dacwad musuqmaasuq ay ku sameeyeen dhaqaale laga helay deeq-bixiyeyaasha oo loogu talagalay in looga hortaggo safmareenka faafa ee Coronavirus.

Sidda laga soo xigtay bayaanka xafiiska xeer-ilaaliyaha, waxaa harsan caddeymo kale oo loo gudbin doono maxkamadda laguna soo bandhigayo kulanka xiga.

"Waxaana maanta Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Qaranka u suura gashay in uu Maxkamadda iyo dadweynaha kasoo qeyb galay dacwadda hortooda kusoo bandhigo eedda iyo caddeymaha sida gaarka ah loogu haysto eedeysanayaasha kala ah 1) Xisaabiyaha Mashruuca (C4D Health Promotion) , 2)Agaasimaha Waaxda Caafimaadka Guud, 3)Maamulaha Mashruuca Hooyada iyo dhallaanka, 4) Maamulaha Mashruuca wacyigelinta Caafimaadka, iyo 5) Agaasimaha adeega Caafimaadka iyo Saadka ee Wasaaraddda Caafimaadka," ayaa lagu yiri qoraalka oo nuqul kamid ah uu arkay Garowe Online.

Caddeymaha oo lagu saleyn doono xukunka soo bixi doona waxaa kamid ahaa; Computer-ro iyo buugaagta lacagta lagu jaro.

"Intaa kaddib, Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa go’aamisay in dib laga soo muddeeyo dhameystirka soo bandhigista eedda iyo caddeymaha eedeysanayaasha kale ee haray ee Wasaaradda Caafimaadka ee dacwaddan ku eedeysan," ayaa lagu soo gabagabeeyay warka qoraalka ah.

Kiisaska musuqmaasuq gudaha Soomaaliya gaar ahaan kuwa ay ku lug-yeeshaan mas'uuliyiinta iyo xubnaha ka tirsan dowladda ayay dhif iyo naadir tahay in cid loo maxkamadeeyo, "sababtoo ah waa kuwa abaabulan".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM