Mas'uuliyiin katirsan DF oo Musuq-maasuq loo xiray [Magacyadooda]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Lix xubnood oo katirsan Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Ra'iisul Wasaare Khayre ayaa maanta loo xiray arrimo la xiriira musuq-maasuq iyo lunsasho dhaqaale.

Mas'uuliyiinta la xiray ayaa katirsan Xafiiska Canshuuraha Wasaaradda Maaliyadda ee Dekedda weyn ee Muqdisho, waxaana xarigooda uu ka dambeeyay kadib dacwad uu kusoo oogay xafiiska xeer-ilaalinta.

Ciidamada booliska ayaa xabsiga dhigay Nadar Tabaax oo ahayd ku xigeenka muumulaha, Muuse rooble, madaxa qeybta dib u hubinta, Cumar Maxamuud, madaxii qeybta IT-ga iyo saddex kale oo shaqaale ah.

Macluumaad hoose oo Warsidaha Garowe Online uu helayo ayaa sheegaya in sidoo kale la xiray madaxii Canshuuaraha Dekedda, Axmed Cabdullaahi Samow, kaasoo kamid ahaa raggii ka qeyb qaatey Ololihii doorashada Madaxweyne Farmaajo.

Waxaa lagu xiray xarunta dambi baarista ee [CID], oo ku taalla KM4, waxaana ku socda baaritaan, iyadoo la filayo in lasoo taago maxkamadda gobolka Banaadir, oo Xeer-Iaaliyaha ka geeyay dacwad iyaga ka dhan ah.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan kuwa dambi baarista CID ay gabi ahaanba joojiyeen howlihii ka socday kastamka canshuuraha dekedda, oo ah isha dhaqaalaha ugu weyn ee dowladda Soomaaliya.

Maamulka cusub oo  KMG ah, oo uu madax u yahay nin lagu magacaabo Maxamuud Maxamed Guure ayaa loo magacaabay Laanta Canshuuraha Dekedda Muqdisho.

Maxamuud waxa uu horey u ahaa madaxa qiimeynta kastamka Canshuuraha ee Dekedda Muqdisho.

Musuq maasuqa gudaha hay'adaha dowladda ayaa si xowli ah kusoo ifbaxaya, iyadoo kiisas la xiriira musuq maasuq ay hor yaalaan maxkamadda gobolka Banaadir kuwaasoo loo heysto xubno kale oo ka tirsan Xukuumadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya oo dagaalka Bariga Dhexe kala hadlay qaar kamid ah Madaxda Khaliijka 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa mar kale xaqiijiyay taageerada Soomaaliya ay u hayso Urdun iyo Qatar.

  • Soomaliya

    03-03-2026

  • 11:27AM

Puntland oo si Adag u Diidday Wax ka Bedelka Dastuurka Federaalka Soomaaliya

Puntland waxay caddeysay inay aqoonsan tahay oo keliya Dastuurka KMG ah ee lagu heshiiyey sannadkii 2012.

  • Soomaliya

    02-03-2026

  • 09:05PM