Mas’uuliyiin lagu dilay magaalada Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia - Koox hubaysan oo gaari wadatay ayaa ku dilay Muqdishu Xoghayihii maamulka degmada Wadajir ee gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Axmed Calasow, iyo labo kamid ah ilaaladiisa gaarka ah.

Dilka Xoghayaha ayaa ka dhacay meel ku dhaw Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, gaar ahaan Isgoyska Korontada.

Weerarka ayaa dhacay kadib markii Gaarigiisa lagu hor-jaray mid kale oo ay wateen mallayshiyaad hubaysan.

Rasaasta lagu furey Gaariga ayuu ku geeriyooday Allaha u naxariistee Xoghaye Calasow, sida ay Goob Joogayaal u xaqiijiyeen Warsidaha Garowe Online.

Kooxda dilka fulisay ayaa ku baxsaday Gaarigii ay wateen, kahor inta aysan ciidamada amniga degmada Wadajir gaarin goobta.

Ma jirto cid sheegatay Mas'uuliyadda dilka Xoghayaha oo ahaa nin dhalinyaro ah, oo dhawaan ka qalin jebiyay mid kamid ah Jaamacadaha Muqdishu.

Dhanka kale Kooxo ku hubeysan Bastoolado oo watay Mootada Labada lugood leh ee loo yaqaano Vekon ayaa degmada Xamar Jajab ee magaalada Muqdishu, ku toogtay Mukhtaar Maxamed khayre oo ka tirsanaa shaqaalaha Shaqaalaha Wasaaradda Waxbarashada.

Majirto cid loo soo qabtay weerradaas oo loo malaynayo inay ka dambeeyaan mallayshiyaadka Al Shabaab oo inta badan ku caan ah weerrada ka dhanka ah mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha dowaldda Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Halkee marayaa cadaadiska Dowladda Federaalka ku hayso ATMIS iyo diidmada Lafta-Gareen?

Wararka laga helayo ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in kulan u dhexmarey taliye sare oo…

  • Soomaliya

    19-03-2026

  • 04:40PM

Laftagareen oo Baydhabo ka bilaabay kulamo ku saabsan “faragelinta” dowladda Federaalka

Madaxweynaha ayaa intaas ku daray in xiriirka u dhexeeya labada heer ee dowladda uu noqdo mid ku dhisan ixtiraam iyo wada-tashi dhab ah.

  • Soomaliya

    19-03-2026

  • 12:28PM