Mas'uuliyiin lala xiriiriyey colaaddii Wanlaweyn oo wajahaya dacwad

Image

WANLAWEYN, Koonfur Galbeed – Guddiga dowlada federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed u saareen xalinta colaadda degmadda Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa soo saarey go'aano.

Gaashaanle Maxamed Cabdiqaadir Maxamed, ku xigeenka xeer-ilaaliyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka Sidda, oo ka tirsan guddiga, ayaa war-fidiyeenka u akhriyey war-saxaafadeedka kadib kulamo dhacay.

Sidda ku xusan warka qoraalka ah, go'aanada waxaa qeyb ka ah in baaritaan lagu bilaabo gudoomiyihii degmada Wanlaweyn, Maxamed Siidow Cabdiraxmaan, "si su'aallo looga waydiiyo gabood-faladii dhacay".

Siidow oo shaqo joojin lagu sameeyay isla markaana lasoo wariyey in la xiray ayaa la sheegay "in uu huriyey dagaalada lana saftey dhinac".

Sidoo kale, waxaa go'aanada qeyb ka ah in Hay'adda Dambi-baarista Soomaaliya xarumahooda Muqdisho iyo Baydhabo ay furaan gal-dacwadeed ka dhan ah wakiilo iyo saraakiil ciidan oo lala xiriiriyey dagaaladda.

Mas'uuliyiintaas oo magacyadooda iyo sawiradooda uu baahiyey telefishinka ku hadka afka dowladda Soomaaliya ayaa waxay kala yihiin;

Aadan Cabdi Faarax [Dala-dire], mudane ka tirsan Golaha Wakiilada HirShabelle, Mayow Mustaf Xasan, xubin ka tirsan xeer-dejinta Koonfur Galbeed iyo Maxamed Taraafiko, oo ka tirsanaa baarlamaanka isla maamulkaas.

"Xildhibaanadaas waxaa laga codsanayaa in ay sida ugu dhaqsiyaha badan ku tagaan xarumaha baarista, iyaddoo maamulada ay ka tirsan yihiin laga dalbanayo in ay diraan si loo dhameystiro baarista guddiga," ayuu yiri.

Si lamid ah, guddiga ayaa ugu yeeray Gaashaanle Salaad Tifow, abaanduulaha guutad todobaad iyo Cabdinuunow Af-wayne, oo lagu eedeeyay in ay qeyb ka qaateen hurinta colaada, "in ay cadaalada hor-yimaadan".

Dagaal beeleedka ka dhacay Wanlaweyn oo salka ku hayey aanooyin qabiil, loolan siyaasadeed iyo lacago baad ah oo laga qaado isbaarooyin yiilay degmadaas, ayaa galaaftay nolosha in ka badan 20 una badan rayid.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM