Madaxda HirShabelle oo la siiyey talo ay uga badbaadi karaan Al-Shabaab

Image

JOWHAR, HirShabelle – Mas'uuliyiinta HirShabelle oo qaylo-dhaan kasoo saarey beegsiga lagu hayo madaxdooda ayaa ka codsaday hogaankooda iyo dowlada federaalka ah ee Soomaaliya in ay wax ka qabtaan amni daradaan.

Al-Shabaab ayaa bilooyinkii u dambeeyay waxay ku dhowaad laba mas'uul ay ku khaarijisay gudaha caasimada Jowhar, iyaddoo dad loosoo qabtay mid kamid ah falalkaas, halka kuwa kalena lagu raadjoogo.

Canab Axmed Ciise, gudoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka HirShabelle oo kamid ah xubnaha ka hadlay khatarta soo food-saartey mas'uuliyiinta HirShabelle ayaa ugu baaqay in Xildhibaanada in ay is-hubeeyaan.

Ciidamadda ayay cod dheer ugu baaqdey in ay sameeyaan howlgal guri-guri ah soona qabtaan gacan ku dhiigleyaasha dhuumanaya.

Mudaneyaasha ayay ku tartarsiisay in ay dib ugu laabtaan deriskooda isla markaana ay hubin ku sameeyaan dadka la degan.

"Xildhibaanada HirShabeelow qaata qoryaha, is-difaaca. Dib-u-milicsada guriyihiina, soo saara qaatiliinta ku jira deriskiina. Waan og-nahay in aysan nagu qabiil ahayn iyo in aysan ka imaan dibada. Aaway ciidamadii galgalan jiray, gala guriyaha soo saara, soo qabta [dilayaasha]. War sidaan noo dhaama," ayay u sheegtay warbaahinta maxaliga ah ee magaala madaxda

Madaxda HirShabelle ee amni daro awadeed u degtay HirShabelle kana mid yahay madaxweynaha waqtiga kasii dhacayo ee Maxamed Cabdi Waare ayay ku waanisay in ay kusoo laabtaan caasimadda Jowhar.

Falalka amni daro ee kusoo banaya HirShabelle ayaa waxay kusoo hagaagayaan iyaddoo ay soo dhow-dahay doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxtinimada, taasoo laga cabsi qabo in ururka Al-Shabaab ay carqaladeeyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM