Mas'uuliyiinta "ku dhimatay" weerarkii Otto Otto oo la shaaciyay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Al-Shabaab ayaa baahisay magacyadda xubno ay ku sheegtay inay yihiin mas'uuliyiin iyo shaqaale ka tirsan Wasaarada Amniga ee xukuumadda Soomaaliya, kuwaasoo ay ku dhintay weerarkii xarunta Otto Otto, Sabtidii lasoo dhaafay.

War qoraal ah oo kasoo baxay xoogaga Al-Shabaab ayaa shaaca looga qaaday in Qaraxyadii iyo weerarkii tooska ahaa oo ay ku ekeeyeen xarumaha Wasaarada Amniga iyo Guddaha ay ku dileen wadar ahaan 30 qof.

Waxay sheegtay kooxda in Xubnaha ay dileen ay isugu jiraan, Agaasimiyaal, Saraakiil iyo Askar, ka tirsan ilaaladda gaarka ah ee Madaxtooyadda Soomaaliya ee loo yaqaan Koofi Gaduuda.

- "Mas'uuliyiinta dhintay" -

Maxamed Axmed [Ilka Case], Xoghayaha Wasaaradda Arrimaha Guddaha ee xukuumadda Soomaaliya.

Liibaan Cismaan, Agaasimaha Xiriirka Goboladda ee Wasaaradda Amniga ee Xukuumadd Soomaaliya.

- "Xubanaha Dhaawacmay" -

Janaraal Siyaad, Agaasimaha Waaxda la dagaalanka "Argigixisadda" ee Wasaaradda Amniga.

Cabdullaahi Siyaad, Agaasimaha Waaxda Siyaasadda iyo Sharciga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Axmed Yarre, Xoghayaha Wasiirka Amniga xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Agaasimaha maamulka Maaliyadda ee Wasaaradda Amniga ee xukuumadda Soomaaliya, oo ay magaciisa kusoo koobayn Cumar.

Sidoo kale, warka kasoo baxay Al-Shabaab ayaa daboolka looga qaaday in weerarkii xarunta Otto Otto ay ku dileen Saddex kamid ah ciidamadda gaarka ah ee Madaxtooyadda Soomaaliya.

Marka laga soo tago sheegashadda xoogaga Al-Shabaab ma jirto illo madax banaan oo xaqiijinaya, iyadoo dowladda Federaalka aysan ka hadlin.

Falkaan lagu beegsaday wasaaradaha amniga iyo gudaha ayaa ka dhex-abuuray mas'uliyiinta dowladda, gaar ahaan wasaaradda amniga shaki iyo khilaaf, kaasoo sababi kara in mas'uuliyiin xilalka looga qaado.

Sidoo kale, Warisdaha Garowe Online ayaa helay xog ku saabsan in Baarayaal Ajnabi ay la wareegayn Kiiska weerarkaan, oo loo xiray 14 Sarkaal oo hadda su'aallo laga weydiinayo qaabka Al-Shabaab uga soo gudubtay baraha koonataroollada.

Qaraxyadda iyo weerarkii tooska ahaa ee lagu qaaday xarunta Otto Otto ayaa waxa uu mar kale banaanka soo dhigay Habac-sanaan la sheegay inay wali ka jirto Lamaha amniga dowladda Federaalka Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM