Mas'uuliyiinta lagu xayiray iyo kuwa ka gudbay garoonka Nairobi

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Garoonka diyaaradaha Nairob, caasimada Kenya waxaa ku xayiran mas'uuliyiin ay ku jiraan Wasiiro iyo Xildhibaano kadib markii loo diiday in Baasaboorkooda Diblumaasiga loogu dhufto dal ku galka.

Cusmaan Libaax, wasiir ku xigeenka Tamarta iyo Biyaha, Senator-ada Ilyaas Cali Xasan iyo Zamzam Daahir ayaa kamida tobaneeyo muwaadiniin Soomaaliyeed oo habeenimada Isniinta ku hooyanaya gegida diyaaradaha xarunta Kenya.

Wasiir Cusmaan ayaa wuxuu ugu safray dalka Kenya si uu uga qaybgalo Barnaamij ay halkaasi ku qabanayo Midowga Yurub, sidda uu ogaaday warsidaha Garowe Online.

Xogta ayaa intaasi raacineysa Wasiirka Qorsheynta, Jamaal Maxamed Xasan, Wasiirka Caafimaadka Fowsiya Abiikar, lataliyaha amniga qaranka Farmaajo ee Saciid Cabdi iyo xubno kale ay kaga gudbeen garoonka Baasaboor ajaaniib ah.

Dadka ku xayiran garoonka oo shacab ay kamid yihiin ayaa isugu jira; ganacsato, arday iyo shaqsiyaad kale oo howlo caafimaad kasoo laabtay iyo qaar kusii jeeday.

Safaaradda Soomaaliya ee magaaladda caasimada ah ee Nairobi ayaa ku guuldareysatay in ay xaliso mushkilada soo wajahday mas'uuliyiinta, sidda uu ogaaday mareega GO.

Dhowr illo wareed ayaa xaqiijiyey in saraakiisha socdaalka Kenya ay u sheegeen mas'uuliyiinta Soomaaliya in amarka uu ka yimid madaxda dalkaasi, isla markaana dib loogu celin doono dalkooda.

Xeeldheerayaasha siyaasada oo ku sifeeyay arrintaan cadaadis diblumaasiyadeed oo ay Kenya saareyso Soomaaliya ayaa ku tilmaamay "mid meel ka dhac ku ah sharafta qaranimada Soomaaliya".

Xukuumada Federaalka ah ayaa laga soo xigtay in ay ka fekereyso jawaabta ay ka bixineyso arrintaan soo korodhay kahor inta aysan xiriir la sameyn dhigeeda Nairobi.

Sikastaba ha ahaatee, tani ayaa salka ku hayso muranka dhanka badda ee labada dowladood u dhaxeeya kaasi oo dabayaaqada sanadkaan ay go'aan ka gaareyso maxkamada cadaalada aduunka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo xaqiijisay in la jabsaday xogta E-Visa, Go'aan cusubna soo saartay

Afhayeen u hadlay HSJ ayaa sheegay in dowladda federaalku ay durbaba magacaawday guddi gaar ah oo isugu jira hay’adaha amniga.

  • Soomaliya

    16-11-2025

  • 03:28PM

Sirdoonka Ajnabiga oo ka Cararay Muqdisho Kadib Jabsi Xogeed oo lagu Sameeyay Nidaamka E-VISA

Dhacdadan ayaa ka dhalatay xumaan xiriirka ka dhaxaysa dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah.

  • Soomaliya

    16-11-2025

  • 12:53PM