Mas'uuliyiintii rugta ganacsiga gobolka Banaadir oo la kala diray

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya, Cabdullaahi Cali Xasan, ayaa maanta oo Sabti ah kala diray masuuliyiintii rugta ganacsiga iyo warshadaha gobolka Banaadir.

Mr Cabdullaahi ayaa talaabadan ku shaaciyey wareegto uu soo saarey kuna taariikheysan 25-ka Janaayo, sanadkan 2020, taasoo nuqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe Online.

Sidda ku xusan digreetadda, go'aankaan ayaa salka ku haya "xiisadihii ka dhashay" magacaabida hogaanka la kala diray oo xubno kamid ah la sheegay in ay xirtay hay'adda sirdoonka Soomaaliya.

Axmed Cabdullaahi Xasan, gudoomiyaha, iyo ku-xigeenkiisa Axmed Jimcaale ayaa lagu waramay in la qabtay Khamiistii, 23-ka Janaayo, sanadkan 2020-ka.

Ma cadda sababta loo qabtay xubnahaan. Balse waxay kusoo aadeysaa iyaddoo dhowaan ay soo ifbaxday in ay magacaabidooda ay saameyn ku yeelatay Al-Shabaab.

Sidda laga soo xigtay VOA-da, ganacsatada Muqdisho ayaa saddex sano ku murunsanaa qofka noqonaya gudoomiyaha rugta ganacsatada gobolka.

Kadib is-mari-waagaas, Al-Shabaab oo u yeertay ganacsatada ayaa shir saddex maalmood socday ugu qabatay gobolka Shabeellaha Hoose, sidda ay wararku sheegayaan.

Natiijada kasoo baxday wada-hadaladaas ayaa noqotay in Axmed loo magacaabo jagada gudoomiyaha, halka Jimcaale loo xushay ku xigeenka rugta ganacsiga gobolka.

Inkastoo magaalo madaxda waddanka ee Muqdisho laga saarey 2011-kii kadib howlgalo ay ka qeyb-qaateen AMISOM, ururka Al-Shabaab ayaa "nidaam mooryaanimo ah" kula dhaqanta bulshada caasimada.

Ugu dambeyntii, wasiir Cabdullaahi ayaa tibaaxay in sida ugu dhaqsiyaha badan loosoo magacaabi doono mas'uuliyiinta cusub ee Rugta Ganacsiga gobolka Banaadir, iyaddoo laga talagelinayo saamileyda.

Hoos ka akhriso qoraalka

Related Articles

Midowga Afrika oo dib u eegaya hawlgalka xasilinta Soomaaliya

Ugu dambeyn, waxaa la filayaa in Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika uu dhowaan soo saaro war-murtiyeed ku saabsan arrintan.

  • Soomaliya

    22-12-2025

  • 07:20AM

Dhakhtar Kenyan ah oo farriin muuqaal ah soo diray isagoo ku jira gacanta Al-Shabaab

Ilaa iyo hadda, Qaramada Midoobay iyo dowladda Kenya midkoodna kama aysan soo bixin jawaab rasmi ah oo ku aaddan baaqa uu diray Kimiti.

  • Soomaliya

    22-12-2025

  • 06:02AM