Maxaa diirada lagu saaray Shirka Gollaha Wasirada Soomaaliya?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gollaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isagu yimid shirkoodii Todobaadlaha ahaa, kaasi oo looga dooday arrimo dhowr ah oo la xiriira xaalada dalka.

Ra'iisul Wasaare Khayre ayaa shir gudoomiyay kulanka oo maanta looga hadlay amniga, Heshiiskii Ahlusuna iyo Galmudug, shirarkii Muqdisho ka dhacay iyo warbixino laga dhageystay Wasiirada qaar.

Gollaha Wasiiradda ayaa ansixiyay qorsho amniga oo Wasaaradda Amniga soo gudbisay, kaasi oo loogu magac-daray istiraatiijiyadda amniga gudaha 2017-2022 oo saldhig u ah qorshaha horumarinta Qaranka.

Wasiirka Warfaafinta Cabdiraxmaan Yariisow ayaa sheegay in dhinaca amniga ay ciidamada dowladda ay Afgooye ku qabteen labo xubnood oo kamid ah Al Shabaab oo dilal halkaasi ka gaystay, sidoo kalena ay jireen xubno kale oo iska dhiibay degmada Diinsoor ee gobolka Baay.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Juxa, ayaa warbixin ka bixiyeen heshiiskii shalay dhexmaray Galmudug iyo Ahlusuna, kaasi oo Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ay goobjoog ka ahaayeen.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Yuusuf Garaad ayaa warbixin ka bixiyay Maxaabiista Seychelles oo dhowaan uu booqday iyo shirkii Africa iyo Yurub ee ka dhacay Abidjan kaasi oo uu ka qeyb galay Madaaxweyne Farmaajo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM