Maxaa diirada lagu saarey kulanka Axmed Madoobe iyo Yamomoto?

Image
Image
Image

NAIROBI, Kenya - Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Khamiis 23-Jannaayo-2020 magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya kula kulmey Safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya mudane Donald Yukio Yamomoto.

Kulanka ayaa lagaga wada hadley xaalada Siyaasada dalka, arrimaha amniga iyo mashaariicda horumarineed ee ay Wakaalada Horumarinta ee Maraykanka (USAID) ka wado deegaanada Jubbaland.

Xaalada siyaasada ee dalka ayay madaxweynaha iyo safiirku isla qireen muhiimada ay leedahay wada shaqeynta Dowlada federaalka iyo Dowlad goboleedyada si caqabadaha kala duwan ee dalku kujiro si wadajir ah loogu wajaho xalna looga gaaro.

Sidookale kulanka ayaa looga wada hadley arrimaha amniga iyo baahida loo qabo in howlgal loo dhanyahey la qaado kaas oo ay ka qeyb qaadanayaan DFS, Dowlad goboleedyada, Amisom iyo ciidamada Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya, howlgalkaas oo noqon kara xalka ugu dhow ee dalka nabadiidka laga sifeyn karo.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa si gaar ah ugu mahadceliyey ciidamada Maraykanka ee ku sugan magaalada Kismaayo kuwaas oo la howlgala ciidamada Jubbaland qeybahooda kala duwan ee sida joogtada ah ula dagaalama argagixisada ragaadisey dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa Dowlada Maraykanka ugu mahadceliyey Wakaalada Horumarinta ee Maraykanka (USAID) taas oo tiro mashaariic ah ka fulisey deegaanada xorta ee Jubbaland.

Ugu danbeyn safiirka Maraykanka ee Soomaaliya mudane Yamomoto ayaa madaxweynaha Jubbaland uga mahadceliyey sida hagar la'aanta ee uga qeyb qaatey nidaamka deyn cafinta Soomaaliya.

Madaxtooyadda Jubaland + GO

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM