Dib u dhac ku yimid furitaanka kulankii madaxda DF iyo maamulada

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamuladda ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxay kulamo ku yeesheen caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb.

Shirarkaas ayaa horudhac u ah kulanka guud oo lagu wadday in uu Talaadada maanta ah furmo balse dib u dhac uu ku yimid ka dib markii madaxda is-faham ka gaari waayeen qodobada masiiriga ah.

Sidda ay xusayaan warbixinadda, kulamadaan ayaa waxay soo bilowdeen fiidnimadii xalay isla markaana la isla soo gaarey saqdii dhexe.

Madaxweyne Farmaajo, Ra'iisul Wasaare Khayre, iyo dhamaan shanta madaxweyne maamul goboleed ayaa u dhamaa wadahadaladan.

Hogaamiyeyaasha ayaa ku balamay in ay yeeshaan kulamada gooni-gooni ah inta ay isaga soo dhowaanayaan, wadar-ogolna uga gaarayaan qodobada xudunta u ah is-mari-waaga taagan.

Doorashooyinka soo aadan ee loo qorsheeyay 2020-21 ayaa ah qodobka ugu culus oo looga fadhiyo in ay madaxda heshiis kaga gaaraan shirkooda.

Villa Soomaaliya waxay ku adkeysaneysaa qof iyo cod, balse maamulada ayaa diidey oo cuskanaya in aan la fulin halbeegyadii, kuna baaqay in la aado nooc kale oo ku dhici karta mudada hada hartay.

Sikastaba ha ahaatee, natiijada kasoo baxda shirkaan ayaa kala caddeyn doonta qaabka uu waddanka uga gudbayo mar-xalada kala guurka ah ee uu wajahayo, taas oo walaac badan ku haysa shacabka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM