Maxaa ka cusub shirkii Waare, Qoor-qoor iyo Laftagareen ee Baydhabo?

Image

GAROWE, Puntland - Waxaa magaalada Muqdisho ku soo fool leh maanta Madaxweynayaasha Sadexda maamul goboleed “ Koonfur Galbeed, Hirshabeele iyo Galmudug”.

Madaxweynaha Galmudug ayaa sida wararka sheegayaan ka soo ambabaxaya caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb halka Waare iyo Lafta Gareen ka soo socdaalayaan magaalada Baydhabo.

Waxaa jirey qorshe ah in Sadexda Madaxweyne inta ay Muqdisho imaan isugu tagaan magaalada Baydhabo balse waxaa arinkaas ka baaqsadey Madaxweyne Qoor Qoor.
Madaxweynaha Hirshabeele oo isagu Muqdisho ku sugnaa ayaa tagey Baydhabo maalintii shalay isagoo halkaas kula kulmay dhigiisa Lafta Gareen.

“Waare waxaa uu Baydhabo u tagey si uu qayb uga noqdo soo dhoweynta Muqdisho loogu sameynayo Madaxweynayaasha kale ee ka imaanaya caasimadaha maamuladooda” sidaas waxa Garowe Online u sheegey qof ka warqba safarka Waare ee Baydhabo.

Madaxweynaha Hirshabeele ayaa safarkiisa waxaa uu ku soo beegmey xilli maalintii shalay galinkii Hore magaalada Balcad qabsadeen kooxaha Al shabaab kuwaas oo muddo kooban gacanta ku hayey magaalo u jirta xarunta maamulkiisa “Jowhar” 53 KM.

Waxaa jira warar sheegaya in magaalada Muqdisho ay ka socdaan qorshe soo dhoweyn ah oo loo sameynayo Sadexdaan Madaxweyne maamul goboleed iyadoo suurtagal tahay in dowlada Federaalka u xirto jidadka Magaalo madaxda Soomaaliya mar kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Imaaraadka oo Joojiyay Taageeradii Amni uu siin jiray dowladda Soomaaliya 

Wasiirka ayaa sheegay in taageerada Imaaraadku ay inta badan ku koobnayd dhinaca ciidamada iyo hay’adaha amniga.

  • Soomaliya

    17-02-2026

  • 08:54AM

Cirro: “Somaliland Waa Albaabka Mareykanku u Mari Karo La-dagaallanka Shiinaha iyo Argagixisada”

Dhanka kale, Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in Somaliland ay hodan ku tahay kheyraad macdan oo muhiim ah.

  • Soomaliya

    16-02-2026

  • 04:22PM