Maxaa ka dhalan kara hanjabaadaha xayiraada ee Mareykanka?

Image
Mareykanka ayaa horey dhowr jeer ugu hanjabay inuu beegsan doono qas wadayaasha Soomaaliya, hase yeeshee weli ficil ma qaadin.

MUQDISHO, Soomaaliya – Cabdiraxmaan Caynte, wasiirkii hore ee qorshaynta Soomaaliya oo ka hadlay digniinta uu saaray Mareykanka ayaa sheegay in xayiraadaha maamulka Biden ay si toos ah u saameyn doonoto madaxda ku shaqada leh doorashada iyo kuwa sababay dib u dhacyada is biirsada oo sida la fahamsan yahay in uu ugu horeeyo madaxweynaha waqtigu ka dhacay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

"Sida uu Mareykanka warkiisa uu ku sheegay waxay si toos ah u beegsan doonaan dadka leh go’aanka doorashada ama dib u dhaceeda sababi kara, waan ognahay dib u dhaca hadda gaaray sanadka waxa uu ku yimid go’aano la qaatay oo dib u dhac uu yimaado, mararka qaarna lagu sigtay in xaalada faraha ka baxdo," ayuu Caynte oo horay uga soo shaqeeyay warbaahinta ku hadasha afka Maraykanka.

Caynte ayaa hadalkiisa ku daray: "Mareykanka marka uu sameeyo hanjabaado xayiraad ah waxa uu haysta xulashooyin badan oo iskugu jira cunaqabteyn dhaqaale uu saaro dal ama shaqsiyaas, qaarkood uu ka xanibo fiisooyinka, waxayna ku xiran tahay marwalba danta ay siyaasada arrimaha dibedda ee Mareykanka ka leedahay dalka la beegsanayo".

Waxa uu hoosta ka xariiqay in xanibaada Visaha ay ceebeyn weyn ku tahay madaxda lala beegsanayo ee Soomaaliyeed, marka loo eego madaxda dunida kale, maadama ay madaxdeena ay inta badan tagin Mareykanka.

"Madaxda dowlada federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada inta badan iskuma mashquuliyaan inay tagaan Mareykan, laakiin waa ceebeyn aduunka hortiisa iyo shacabkooda lagu dhar dhigayo mooye. Waxaana laga yaaba in dalalka kale ee reer galbeedka ay qaadan tallaabooyin lamid ah.”

Falanqeeyayaasha ayaa fahamsan in hanjabaada ugu culus ee Mareykanka ay xilligan tahay midda dhaqaale, maadaama uu sheegay in Mareykanka uu yahay dalka ugu weyn ee taageera dowladda Soomaaliya.

Dowladda Mareykanka ayaa ka digtay in ay xayiraado la beegsan doonto siyaasiyiinta iyo madaxda Soomaalida haddii dib u dhac kale uu ku yimaado doorashada Soomaaliya, oo aan lasoo gaba-gebeyn kahor 25-ka Febraayo.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka Ned Price, oo shir jaraa’id qabtay ayaa ugu horeyn soo dhoweeyey go’aanka ay Golaha Wadatashiga Qaran ku gaareen in doorashada Soomaaliya lasoo geba-gebeeyo kahor 25-ka Febraayo. Mareykanka ayaa horey dhowr jeer ugu hanjabay inuu beegsan doono qas wadayaasha Soomaaliya, hase yeeshee weli ficil ma qaadin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Seychelles oo bilaabaysa maxkamadeynta burcad-badeed Soomaali ah

Raggan ayaa loo haystaa weerar lagu qaaday markabka Chrystal Arctic oo sitay calanka Jaziirada Marshall.

  • Soomaliya

    18-05-2024

  • 03:42AM

War-murtiyeed laga soo saarey shirka Golaha Wadatashiga Qaranka

Shirka 9-aad ee Golaha Wadatashiga Qaran ayaa kusoo dhamaadey magaaladda Muqdisho.

  • Soomaliya

    17-05-2024

  • 04:03PM