Maxaa ka soo baxay kulankii Madaxweynaha iyo Hogaamiyaha SSC-Khaatumo?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xalay kulan muhiim ah la qaatay Cabdiqaadir Aw Cali Firdhiye oo ah hoggaamiyaha maamulka SSC-Khaatumo sida ay sheegayaan warar lagu kalsoonyahay.

Kulanka oo ka dhacay xarunta madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa diiradda lagu saaray arrimo xasaasi ah oo ay ka mid yihiin xaaladda ay ku sugan yihiin bulshada ku dhaqan maamulka SSC-Khaatumo.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intii uu kulanka socday waxa uu warbixin ka dhageystay Cabdiqaadir Firdhiye. Warbixintu waxay iftiimisay khasaaraha dadka deegaanka ka soo gaaray dagaalladii siddeed bilood ka socday magaalada Laascaanood, kaasoo sababay dhimashada dad badan oo rayid ah.

Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa xubno ka mid wafuudda la socotay hogaamiyaha SSC-Khaatumo & mas’uuliyiin ka tirsan dowladda. Halka labada mas’uul ay dood ka yeelan doonaan arrimaha hor tabinta u leh shacabka maamulkaas iyo masiirkoorddii siyaasadeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM