Maxaa kasoo baxay Kulamadii La-xisaabtanka Khayre ee Gollahiisa Wasiirada..?

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Somalia - Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Xasan Cali Khayre, ayaa Axada maanta ah wuxuu soo gabagabeeyay kulamo is-dabajoog ahaa, kuwaasi oo isbuucyadii lasoo dhaafay uu ku qaabiliyay xubnaha Gollahiisa Wasiiradda.

Kulamadaasi ayaa waxay daarnaayeen in wasiir walba uu usoo bandhigo Ra’iisul Wasaaruhu waxqabadka wasaaradiisa, qorshayaasha udegan sanadkaan iyo caqabadaha haysta, sidda laga soo xigtay illo xog ogaal ah.

Fadhigii ugu dambeeyay oo maanta ka qabsoomay xafiiska wasiirka koowaad ee xukuumadda ayay wasiiradu ku saxiixeen warqad balanqaad ah, taasi oo ku aadan qorshaha dowladda udegan sanadkaan 2019.

Wasiiru-dowlaha xafiiska Khayre, Cabdullaahi Xaamuud oo fahfaahin buuxda ka bixiyay arrintaan ayaa shaaciyay in ujeedku yahay sidii lagula xisabatami lahaa marka la gaaro dhamaadka sanadkaan.

"Wasiir walba wuxuu [qalinka ku duugay] waxa la yiraahdo 'commitment sheet' [warqadda balanqaad]..taasi oo ay ku cadahay 4 halbeegyo waawayn oo mugleh oo ay ku waxtar u leh wadanka..laguna xisaabtami doono wasiirka, ayna ka arki doonan shacabka Soomaaliyeed marka la gaaro sanadka dhamaadkiisa," ayuu Wasiir Xaamuud u sheegay wariyaasha.

Rajo aad u wayn ayuu wasiiru-dowluhu ka muujiyay inay dhaqan-geliyaan wasiiradda warqadaasi ay saxiixeen, taasi oo uu dhinac qalinka kaga guuday Ra’iisul Wasaaraha dalka, Xasan Cali Khayre.

Talaabada wasiirada looga saxiixay warqadda balanqaadka ah oo ah wax ku cusub dalka ayaa loo arkaa mid ugu yaraan uu hoos-udhigi karta in wasiiradda ay noqdaan kuwa fadhiid ah, islamarkaana dhiiragelinaysa isla xisaabtanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM