Maxaa kasoo baxay wadahadaladii doorashooyinka?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wadaxaajoodyadda maalmihii lasoo dhaafay qabsoomay ee ku aadanaa xal u helida is-mari-waaga ka taagan doorashooyinka Soomaaliya ee 2020-21 ayaan wali looga gudbin caqabadaha ku geedaaman coddeynta, sidda ay illo loo qaateen ah u sheegeen warsidaha Garowe Online.

Wadahadaladda ay soo qaban-saabisay Beesha Caalamka ayaa u dhaxeeyay hogaanka dowladda federaalka ah, maamulada, musharaxiinta iyo daneeyeyaasha caalamiga ah – oo si gooni-gooni ah ula shiray dhamaan dhinacyaddan.

Dhamaan shirarkan oo madaxda aysan wali warbaahinta u fahfaahin ayaa waxay ku qabsoomeen hanaanka maqal iyo muuqaalka ama habka fogaan aragga.

Madaxda maamuladda ayaa dhankooda waxay si gooni ah u yeesheen wadahadalo telefoonka ah oo ay uga arrinsadeen khilaafka culus ee taagan.

"Inkasta oo mabda' ahaan la isla ogolaadey in doorashooyinka ay ku qabsoomaan si xor iyo xalaal ah lana xaliyo khilaafka taagan, haddana wali lagama gudbin caqabadaha oo xalkoodu yahay ciidamadda dowladda geysay gobolka Gedo oo dib loogu celiyo halka halkii hore laga keenay, guddiyadda oo laga saaro xubnaha la duray dhexdhexaadnimadooda iyo afhayeenka Aqalka Sare oo loo madax-banaaneeyo xulista wakiilada Somaliland," ayuu yiri mas'uul si dhow ula socday wadahaladda oo khadka telefoonka kula hadlay warsidaha Garowe Online.

Midowga Musharaxiinta ayaa xukuumadda federaalka u gudbiyey liiska xubnaha ay dhexdhexaadnimadooda dureen. Balse, inta illlaa haatan la ogyahay, laanta fulinta ayaan wali jawaab rasmi ah soo siin tartameyaasha doorashooyinka.

Dhanka kale, wakiilada Beesha Caalamka ayaa ku wargeliyey madaxda dowladda federaalka ah iyo maamuladda in aysan sharci heli doonin doorasho hal dhinac ah. Tani waxay timid markii Villa Soomaaliya isku dayday in ay abaabusho arrinkaas.

Wallow deeq-bixiyeyaasha ku cadaadinayaan in uu tanaasul la yimaado, madaxweyne Farmaajo oo muddo xileedkiisa dastuuriga ka hartay 18 maalmood, ayaa wali wuxuu kasoo horjeedaa in uu mar kale miiska wadahadalka la fariisto.

Agaasimaha hay'adda sirdoonka qaranka, Fahad Yaasiin Daahir oo saameyn weyn ku leh go’aanadda doorashooyinka ee Villa Soomaaliya, ayaa ku riixaya Farmaajo in uusan wadahadal ogolaan "isaga oo ka baqaya in uu mar kale tanaasulo".

Dedaaladda dhinacyadda kala duwan ka socda ee xalka loogu goobayo is-qabqabsiga geedi-u-socodka doorashooyinka Soomaaliya sanadka 2020-21 ee wali aan mira-dhalin ayaa sarre-u-qaadaya walaac laga qabo in 8-da Febraayo oo ah dhamaadka muddo xileedka dowladda Farmaajo lagu gaaro heshiis la'aan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baanka Aduunka oo si adag ugu goodiyay Dowladda Soomaaliya

Xukuumadda Muqdisho ayaa loo qabtey in illaa dhamaadka bishan soo gudbiso warbixin laga rabo.

  • Soomaliya

    29-03-2024

  • 04:30AM

Darawalkii Farmaajo oo weli nolol iyo geeri lagu la'yahay

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegayay Maalmihii u dambeeyay in darawalka madaxweynaha uu u goostay deegaanada AS.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 12:12PM