Maxaa kasoo kordhay kulamada gooni-gooniga ee Dhuusamareeb?

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Kadib maalin nasasho ah oo ay shalay qaateen madaxda, Dhuusamareeb waxaa dib uga bilowday kulamadii gooni-gooniga ahaa ee hogaamiyeyaasha dowladda federaalka iyo maamuladda.

Warbixinada qaar ayaa tilmaamaya in xafiiska ra'iisul wasaaraha ay shalay ka dhaceen kulamo gaar-gaar ah, wallow aan natiijada la ogeyn.

Wadahadaladda goos-gooska ah ee dib u bilowday ayaa waxaa lagu waramay in ay yihiin kuwa lagu abaabulayo shirka loo-dhan-yahay, kaasoo aan la muddeyn waqtiga uu si rasmiya u furmi karo.

Xogta ayaa muujineysa in shirka weyn noqonayo mid khudbado ay jeediyaan madaxda lana soo xiro, kadibna laga soo saaro war-murtiyeed "weji gabax looga badbaadinayo gogoshada laguna balamo shirar kale".

Illo wareedyo ayaa xaqiijiyey in madaxda aysan wali is-faham ka gaarin nooca doorashadda oo ah ajendaha ugu muhiimsan isla markaana mid walba uu wali ku taagan yahay mowqifkiisa aysana muuqan dabacsanaan.

Villa Soomaaliya ayaa xusul-duub ugu jirta doorasho qof iyo cod ah, halka dowlad goboleedyadda ay ku adkeysteen doorasho dadban.

Siyaasiyiinta ku sugan caasimadda Galmudug ayaa ku eedeeyay madaxweyne Farmaajo in uu dhowr jeer bedelay mowqif intii wadahadaladu socdeen qaatay, arrintaas oo ay su'aal geliyeen in ay dhab ka tahay shirka.

Khayre oo horey u sheegay in uu taageerayo doorasho heshiis lagu wada-yahay ayay warar lagu kalsoon yahay tibaaxayaan in uu la saftay Madaxtooyadda Soomaaliya isla markaana uu riixayo doorasho qof iyo cod.

Wararka qaar ayaa soo jeedinaya in wasiirka koowaad ee xukuumadda federaalka uu codsaday in aan hadaljeedin laga siinin shirka rasmiga ah.

Wadaxaajoodyadda Dhuusamareeb ayaa bud-dhig u ah qaabka ay Soomaaliya uga baxeyso mar-xalada kala guurka ee waqti xaadirkaan ay dhexda kaga jirto isla markaana maxsuulkiisa uu caddeynayo qaabka looga gudbayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM