Wadahadaladii doorashooyinka Soomaaliya oo hakad ku yimid

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa baaqdey kulan ay isugu imaan lahaayeen habeenkii xalay madaxda maamul goboleedyadda Puntland, Jubaland iyo dowlada Federaalka Soomaaliya.

Dib-u-dhaca is-araggaas, sidda ay warar xog-ogaal ah tilmaamayaan, ayaa loo aaneynayaa iney sabab u tahay labadaan qodob ee kala ah;

1- In xal laga gaaro xaalada gobolka Gedo, Madaxweynaha Jubaland ayaa codsanaya in dowlada Federaalka ah ciidamada kala baxdo gobolkaas gacantana u soo galiso maamulkiisa.

2- Puntland iyo Jubaland ayaa waxaa ay si wadajir ah u codsanayaan in shirka loogu yeero madaxda Sadexda maamul goboleed ee maqan.

Warar Garowe online heley ayaa sheegeya in qodobadaan la isku hayo ay soo faragaliyeen safiirada beesha caalamka gaar ahaa safiirka dalka Mareykanka waxaana la isku afgartey in kulan hor dhac ah la isugu yimaado maanta Labada duhurnimo kaas oo farsamo ahaan lagu xalinayo arimaha taagan.

Dowlada Mareyknaka ayaa gaar ahaan safiirkeeda Mareykanka ayaa ku cadaadinaya Villa Somalia iney ciidmada kala baxdo gobolka Gedo.

Dhinaca kale shalay galab waxaa aqalka uu ka dagan yahay magaalada Muqdisho Axmad Madoobe booqdey taliyaha ciidmada Nabad Sugida Fahad Yaasiin. Kulan kaas ayaa looga hadlay sidii xal looga gaari lahaa xaalada gobolka Gedo.

Taliyaha Nabad Sugida oo siyaasada Soomaaliya faraha kula jira islamarkaana ah ninka ugu tunka weyn Xafiiska Farmaajo ayaa ku adkeystay in xaalada Gedo si farsamo ah loo gali doono.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM