Maxaa kusoo kordhay dagaalka Guriceel?

Image

GURICEEL, Soomaaliya - Xaaladda Guriceel ayaa wali kacsan, waxaana socda dhaq-dhaqaaqyo Ciidan oo labada dhinac ay wadaan, iyadoo saakay illaa hadda la maqlayo rasaas goos goos ah oo ka dhacayso xaafadaha qaar.

Saraakiisha Galmudug ayaa sheegay in Ciidanka dowladda iyo kuwa Maamulka ay ku sugan yihiin qeybo badan oo kamid ah Guriceel, iyadoo dadka degaanka ay xaqiijiyeen in Ahlu Sunna haysato dhanka bari, aaga loo yaqaano Jaamacada.

Dagaal maryo dhiig leh lagu kala-furtay ayaa shalay ka dhacay Guriceel, kaasoo yimid kadib markii Ciidanka xulufada ah ay duulaan dhinacyada badan ku qaadeen degmada oo tan iyo 1-dii bishan gacanta ugu jirtay Ahlu Sunna.

Ugu yaraan 20 qof oo labada dhinac ah ayaa ku dhimatay dagaalkii shalay, waxaana kamid ah saraakiil sare oo uu ku jiro taliyihii Danab ee Galmudug C/ladhiif Fayle, oo dilkiisa aad looga naxay, maadaama uu ahaa taliye hormuud u ahaa dagaalkii Koonfurta Mudug lagula galay Al-Shabaab dhawaan.

Galmudug ayaa ka fursan waysay inay duulaan ku qaado Guriceel kadib markii ay soo xirmeen albaabadii wadahadallada, iyadoo dagaalka kusoo beegmayo xili la isku diyaarinayo doorashadda aqalka hoose, oo laga baqdin qabo inay dib u dhacdo markale.

Ciidan badan oo laga soo qaadey Muqdisho ayaa kusii qulqulaya Dhuusamareeb, kuwaasoo loo wado dagaalka Guriceel, oo wali socda, waxaana DF sheegtay inay wado howlgal lagu sifeynayo wax ay ugu yeertay maamul-diid.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM