Maxaa kusoo kordhay Khilaafka Galmudug?

Image

CADAADO, Soomaaliya - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Khilaafka Siyaasadeed, ee u dhaxeeya Madaxda sare ee maamulka Galmudug, kaasi oo ka dhashay Go'aankii Madaxweyne Xaaf ku taageeray Xulufada Sacuudiga.

Illo-wareedyo kuu sugan Cadaado, ayaa Warsidaha Garowe Online u sheegay in Ciidamo aan ka amar qaadan maamulka Galmudug inay soo galeen magaalada kuwaasi oo ay kala wataan Siyaasiyiinta iska soo horjeeda.

Xaaladda ayaa kacsan, oo waxaa soo gaaraya magaalada Malleeshiyaad kala duwan, oo qaarkood ka yimid dhanka magaalada Gaalkacyo, ee xarunta gobolka Mudug, iyadoo horey kuwa kale u joogeen gudaha Magaalada.

Magalaada Cadaado ayaa waxaa ku sugan Axmed Shariif Cali Hilowle oo horey ula tartamey Madaxweyne Xaaf balse damacsan in khilaafkaan uga faa’ideysto in talada maamulka dib u qabsado.

Axmed Shariif Cali Hilowle ayaa haysta tageerada dowlada Federaalka oo tageertey xil ka qaadis la sheegey in lagu sameeyey Madaxweyne Xaaf.

Senataro uu ku jiro Cabdi Qeybdiid, ayaa ku sugan maalmahan Cadaado, kuwaasi oo dhex-dhexaadinaya Madaxda Galmudug, ee Khilaafka xooggan uu dhaxeeyo, iyagoo isku dayaya inay qaboojiyaan Xaaladda kacsanaanta ah.

Xildhibaanada Galmudug, ayaa sidoo kale lagu wadaa inay maanta yeeshaan Kulan gaar ah, kaasi oo ajandihiisu yahay ka doodista Mooshin la sheegay inuu ka yaalla Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, Cali Gacal Casir.

Khilaafka waxa uu u dhaxeeya Madaxweyne Xaaf iyo Gudoomiyaha Baarlanaanka iyo Madaxweyne ku xigeenka oo isku dhinac ah, kuwaasi oo doonaya in Galmudug ay dhex-dhexaad ka noqoto Xiisada Khaliijka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM