Doorashada Aqalka Sare Soomaaliya oo lasoo afmeeray

Image
Image
Image

DHUUSAMAREEB, Soomaaliya - Galmudug ayaa maanta dhameystirtay doorashadda labadii kursi ee ka harsanayd 8-da Kursi ee loo qoondeeyay Maamulkan mudada dheer ku jira khilaafaadka siyaasadeed iyo colaadaha.

Musharixiinta ku tartamay labada kursi ayaa kala ah Cabdi Qeybdiid oo wajahay Musharax malxiis ah Cawil Nuur Cali iyo kursiga labaad oo u taryamayaan Cabdi Cismaan Xareed iyo Mahad Aadan Guuleed.

Cabdi Qaydiid ayaa dib u hantiyey kursigiisa xubinimo Aqalka Sare kadib markii uu tartanka ka haray Cawil Nuur. Sidoo kale, Cabdi Cusmaan Xareed ayaa kusoo baxay kursiga labaad isaga oo aan lala tartamin. Galmudug ayaa maanta dhameystirtay doorashada Senate-ka, waana maamulkii ugu dambeeyay.

Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ayaa codadkooda dhiibtey, waxaana doorashadda ay qabsoontey saddex bilood kadib oo kursiga Cabdi Qeybdiid u xayirnaa, maadama isaga iyo Xaaf ku hardamayeen.

Qoor-Qoor ayaa la sheegay inuu heshiis hoose uu la galay Xaaf si uu uga haro tartanka, Maadaama loo xiray Kursiga Cabdi Qeybdiid oo ah shaqsi uu wato Ra'iisul Wasaare Rooble, oo isku reer kasoo jeedaan.

Doorashadda labada kursi ayaa soo afjaraysa hanaanka lagu soo xulayay xubnaha Aqalka sare oo soo billowday bishii July ee sanadkan, balse dib u dhacyo ku yimid, waxaana la filayaa hadda inay billaabato doorashadda Aqalka Hoose, oo labo kursi laga doortay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo warka soo saartay Xaaladda Soomaaliya

Goluhu wuxuu ansixiyey Siyaasadda daboolida kharashaadka Adeegyada Caafimaadka - oo Golaha ay usoo gudbisay Wasaraadda Caafimaadka.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 11:58AM

Villa Somalia oo go'aan ka gaartay qofka noqonaya Madaxweynaha xiga ee Koonfur Galbeed

Heshiiskan cusub ayaa loo arkaa mid si weyn u beddeli doona jihada siyaasadeed iyo nabadgelyo ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 05:04AM