Maxaa lagu go'aamiyay shirkii degdega ee Wasiirada Soomaaliya?

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Golaha Wasiirrada xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa habeenkii Jimcaha waxa ay Muqdisho ku yeesheen Kulan aan caadi ahayn oo looga hadlay xaaladda amniga dalka.

Shirka oo uu guddoominayay Ra'iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa warbixin looga dhagaystay guddiga amniga ee dhawaan uu Ra'iisul Wasaare Khayre u magacaabay in ay kasoo talo bixiyaan qorshaha sugidda amniga Caasimadda.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu ansixiyay heshiiska Caymiska ee ay wada galeen dawladda Soomaaliya iyo Hay'adda Damaanadda Darafyada Badan (MIGA).

Wasiirka koowaad ee xukuumada federaalka ah ayaa uga baaqday shirka u diyaar-garowga socdaal la filayo in uu dhowaan ugu ambabaxo wadanka Mareykanka.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in kulanka lagu soo qaaday shirka ay fadhiga Golaha Shacabka oo ay tagayaan wasiirada amniga iyo difaaca oo ay wehliyaan taliyeyaasha ciidanka.

Aqalka Hoose ayaa lagu wadaa in ay su'aalo ka waydiiyaan xubnahaan xaalada amni dari ee wadanka, gaar ahaan Muqdisho oo ay ka dhacayaan falal isugu jira qaraxyo iyo dil.

Illo lagu kalsoonaan karo ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online, in xubnaha xukuumada ay isku raaceen in inta badan wasiirada hadana xildhibaanada ah ay xaadiraan fadhiga Sharcidejinta.

Xukuumada Khayre ayaa la sheegay in 74% ay yihiin Xildhibaan. Tani ayaa ka dhigan in 64-ta xubnood ee Golaha Wasiirada ka kooban yahay ay 48 kamid ah sharcidejiyaal yihiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Taageertay Qaraarka Qaramada Midoobay ee qorshaha Trump ee Nabada Gaza

Mas’uuliyiinta ku xeel dheer mowqifka Soomaaliya ayaa sheegay in Muqdisho ay weli ka go’an tahay xalka laba-dal.

  • Soomaliya

    18-11-2025

  • 03:51PM

DFS oo sheegtay in macdan-qodis iyo baaris sharci-darro ay ka socdaan gudaha Soomaaliya

Digniintan ayaa imaanaysa iyadoo Soomaaliya uu ka jiro khilaaf ku saabsan maamulka khayraadka oo u dhaxeeya DFS iyo Maamullada.

  • Soomaliya

    17-11-2025

  • 12:38PM