Maxaa lagu go'aamiyay shirkii degdega ee Wasiirada Soomaaliya?

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Golaha Wasiirrada xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa habeenkii Jimcaha waxa ay Muqdisho ku yeesheen Kulan aan caadi ahayn oo looga hadlay xaaladda amniga dalka.

Shirka oo uu guddoominayay Ra'iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa warbixin looga dhagaystay guddiga amniga ee dhawaan uu Ra'iisul Wasaare Khayre u magacaabay in ay kasoo talo bixiyaan qorshaha sugidda amniga Caasimadda.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu ansixiyay heshiiska Caymiska ee ay wada galeen dawladda Soomaaliya iyo Hay'adda Damaanadda Darafyada Badan (MIGA).

Wasiirka koowaad ee xukuumada federaalka ah ayaa uga baaqday shirka u diyaar-garowga socdaal la filayo in uu dhowaan ugu ambabaxo wadanka Mareykanka.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in kulanka lagu soo qaaday shirka ay fadhiga Golaha Shacabka oo ay tagayaan wasiirada amniga iyo difaaca oo ay wehliyaan taliyeyaasha ciidanka.

Aqalka Hoose ayaa lagu wadaa in ay su'aalo ka waydiiyaan xubnahaan xaalada amni dari ee wadanka, gaar ahaan Muqdisho oo ay ka dhacayaan falal isugu jira qaraxyo iyo dil.

Illo lagu kalsoonaan karo ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online, in xubnaha xukuumada ay isku raaceen in inta badan wasiirada hadana xildhibaanada ah ay xaadiraan fadhiga Sharcidejinta.

Xukuumada Khayre ayaa la sheegay in 74% ay yihiin Xildhibaan. Tani ayaa ka dhigan in 64-ta xubnood ee Golaha Wasiirada ka kooban yahay ay 48 kamid ah sharcidejiyaal yihiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo Maraykanka u soo bandhigtay saldhigyo militari iyo khayraad dabiici ah

Tallaabadan ayaa muujinaysa tartan sii xoogeysanaya oo ku saabsan cidda noqon doonta lammaanaha ugu weyn ee Maraykanka ee Geeska Afrika.

  • Soomaliya

    23-02-2026

  • 01:20PM

Madaxweynaha Soomaaliya oo Dadaal Ugu Jira Inuu Joojiyo burburka Wadahadalada Doorashada

Tallaabadan ayaa u muuqata mid si toos ah uga horimaanaysa codsi ka yimid Villa Somalia oo ku aaddan in wadahadalada la sii wado.

  • Soomaliya

    23-02-2026

  • 11:21AM