Maxaa loo xiray Xafiiskii laga maamuli jiray Hawada Soomaaliya?

Image

JOWHAR, Soomaaliya - Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay albaabada isugu dhufatay xafiiska laga maamulayey Hawadda dalka 16-kii sano kaasi oo ku yaallay magaalada Nairobi, ee xarunta wadanka Kenya.

Sababta loo xiray xafiiska ayaa waxay tahay in loosoo wareejiyay maamulka Hawada magaaladda Muqdisho oo laga sameeyay xarunta rasmiga ah ee maamulka hawadda taasi oo Madaxweyne Farmaajo uu daah-furay December 2017.

War qoraal ah oo kasoo baxay Hay'adda gacanta ku haysay maamulka Hawadda Soomaaliya ICAO ayaa lagu xaqiijiyay xiritaanka Xafiiskan in wareejinta, iyadoo sheegtay in wixii hadda ka dambeeya Soomaaliya ay maamulan doonto hawadeeda.

Wasiirka Gadiidka iyo Duuliska Hawadda ee Soomaaliya, Maxamed Cabdulaahi Salaad Oomaar, ayaa ku tilmaamay talaabadaan mid kordhin doonta dhaqaalaha dalka, islamarkaana ay shaqaalaha ajnabiga ah ay ku bedeli doonaan kuwa Soomaali ah.

In ka badan 34 qof ayaa waxay ka howlgali doonan xarunta cusub, taasoo xukuumada Muqdisho sheegtay inay isugu jiraan dad Soomaali ah iyo Ajanabi, waxaana rajo uu ka muujiyay Wasiirka in dhamaantooda Soomaali noqdaan mustaqbalka.

Xarunta cusub ee laga maamuli doono hawadda Soomaaliya, waxay laga hergeliyay gudaha Garoonka Aaddan Cadde, halkaasoo markii hore laga maamuli jiray ka hor burburkii dowladda dhexe 1990-kii.

Waxaa maamulka Hawada la wareegtay SCAMA [Somali Civil Aviation and Meteorology Authority], kadib markii uu kasoo baxay gacanta ICAO.

Tan iyo waqtigaas wixii ka dambeeyay, waxaa gacanta ku haysay maamulka hawada dalka Hay'adda ICAO, oo hoostagta Qaramadda Midoobay, taasi oo dhaqaale fara badan ka qaadi jirtay Diyaaradaha isticmaala hawada Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM