Maxaa looga hadlay Kulanka Gollaha Aqalka Sare?

Image

MUQDISHO, Somalia - Gollaha Aqalka Sare ee Baaramaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta oo Axad ah dood adag ka yeeshay Khilaafka u dhaxeeya dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada. Halkan ka akhri.

Kulanka maanta oo ahaa mid xasaasi ah, ayaa waxaa shir guddoominaayay Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi, waxaana goobjoog ahaa inta badan Senetarada.

Ajandaha kulanka waxaa hareeyay Shirkii ay horaantii bishan magaalada Kismaayo ku yeesheen Madaxweniyaasha dowlad goboleedyada, kaasi oo laga soo saarey war-murtiyeed ka dhan ah dowladda.

Intii u socotay dooda, Senetarada ayaa ku kala aragti duwanaaday qodobadii ka soo baxay Shirkii Kismaayo, oo ay kamid ahaayeen joojinta dib u eegista dastuurka iyo sameynta Gollaha Iskaashiga.

Senetarada qaar waxay ku tilmaameen shirkii Kismaayo mid lagu duminayo dowladda dhexe, halka kuwa kale ay sheegeen in Kulankii hogaamiyaasha maamul goboleedyada uu ahaa mid waxtar u leh dalka.

Dooda Aqalka Sare oo waqti badan qaadatay ayaanan kasoo bixin wax natiijo ah, kadib markii xubnaha ay noqdeen kuwa u kala qeybsama labo dhinac, oo ku guuldareestay inay isku afgartaan ajandaha Kulanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamadda Ciidamada oo dooneysa in xasaanad laga qaado xildhibaano huriyay colaad

Dastuurka iyo xeerarka dalka ayaa dhigaya in xildhibaan aan maxkamad la horgeyn karin ilaa xasaanaddiisa laga qaado.

  • Soomaliya

    24-11-2025

  • 08:14PM

Maxkamad ku taalla Gaalkacyo oo xukun dil ah ku ridday haweeney lagu helay dilka Sabiriin 

Dhinaca kale, maydka Sabiriin, oo aan la aasin intii ay socotay dacwadda, ayaa lagu wadaa in galabta loo gudbiyo qoyskeeda si loogu aaso.

  • Soomaliya

    24-11-2025

  • 01:25PM