Farmaajo oo u safray Japan si uu kaga qeybgalayo shir madaxeed

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u amba-baxay dalka Japan oo uu ka furmayo Shir Madaxeedka 7aad ee Iskaashiga waddamada Afrika iyo Japan (TICAD).

Shirweynaha oo socon doona muddada u dhexaysa 28-ka ilaa 30-ka bishan ayaa Madaxda dalalka ku bahoobay madashan, Ururrada Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika, maalgashadeyaasha iyo khubarradu waxaa ay kaga arrinsan doonaan mustaqbalka xiriirka labada dhinac, ka faa’iidaysiga fursadaha tiknoloojiyadda, kor u qaadista iskaashiga dhinacyada amniga, socdaalka, horumarinta xirfadaha, shaqo abuurka, xuquuqda aadanaha, dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo maalgashiga.

Wafdiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaminayo Madaxweynuhu ayaa inta ay ku sugan yihiin magaalada Yokohama ee marti-gelinaysa shirka waxa ay kulan doceedyo la yeelan doonaan qaar kamid ah madaxda kasoo qeyb galaysa.

Shirkan waxaa ka soo qayb-galaya Hoggaamiyeyaasha Dalalka Afrika iyo Japan, Hay’adda Qaramada Midoobey ee Horumarinta, Bangiga Adduunka iyo Golaha Guddiga Midowga Afrika.

Wafdiga Madaxweynaha ee Soomaaliya ku matalaya shirkan waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Danjire Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Maaliyadda Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Mudane Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) iyo .La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dibadda Mudane Balal Maxamed Cusmaan.

Villa Soomaaliya

Related Articles

Imaaraadka oo Joojiyay Taageeradii Amni uu siin jiray dowladda Soomaaliya 

Wasiirka ayaa sheegay in taageerada Imaaraadku ay inta badan ku koobnayd dhinaca ciidamada iyo hay’adaha amniga.

  • Soomaliya

    17-02-2026

  • 08:54AM

Cirro: “Somaliland Waa Albaabka Mareykanku u Mari Karo La-dagaallanka Shiinaha iyo Argagixisada”

Dhanka kale, Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in Somaliland ay hodan ku tahay kheyraad macdan oo muhiim ah.

  • Soomaliya

    16-02-2026

  • 04:22PM