Maxaa shaqada looga joojiyey Taliyihii Ciidamada Villa Soomaaliya?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Soomaaliya ayaa xilka ka qaadey Taliyihii Ciidamada Ilaalada Madaxtooyadda, Colonel Axmed Maxamed Cali [Af-Caddeey], xilli uu taagan yahay Khilaaf Siyaasadeed u dhaxeeya Madaxda sare ee dalka.

Af-Caddeey, oo sidoo kale ahaa Taliyaha Ururka 60-aad ee Ciidamada Ilaaliya amaanka Villa Soomaaliya, ayaa xilka qaadistiisa ka dambaysay kadib markii uu ku lug yeeshay kiiska Fowdadii ka dhacday Arbabacdii xarunta Gollaha Shacabka.

Taliyaha ayaa loo haystaa inuu hubin waayay Ciidamo la sheegay in Sarkaal ay saaxiibo yihiin ku kasoo watey Madaxtooyadda, kadibna ku xoojiyay kuwa ilaalada u ah Gudoomiye Jawaari iyo ku xigeenkiisa Mahad Cawad u galbiyay Gollaha Shacabka.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Taliye Af-Caddeey uu kahor yimid Ciidamada dowladda kala noqotay Ilaalinta amaanka Jawaari iyo Hubka dhigistii lagu sameeyay Askartii gashay xarunta Gollaha Shacabka, ee wehlinayay Gudoomiyaha iyo Mahad Cawad.

Dowladda ayaa kala noqotay Jawaari Ciidamadii isaga ilaalada u ahaa, iyadoo xabsiga dhigtay sidoo kale in ka badan 40 oo hub la galay xarunta Baarlamaanka Arbacadii lasoo dhaafay. Halkan ka akhri Warbixinta.

AMISOM ayaa si buuxda ula wareegtay amniga Jawaari, kadib markii Ciidankii ilaalinayay lagala noqday.

Col Cumar Cabdiraxmaan ayaa si KMG ah loogu magacaabey xilka Taliyaha Ciidamada Aqalka Madaxtooyadda, oo ah Hoyga ay degan yihiin madaxda ugu sareysa dalka, sida Madaxweynaha, Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra'iisul Wasaaraha.

Af-Caddeey ayaa xilkan loo dhiibay markii la doortey Farmaajo 8-dii Febuary, 2017.

Jawi Siyaasadeed oo kacsan ayaa ka jira Villa Soomaaliya, iyadoo hogaamiyaasha dalka ee halkaasi wada deggan uusan xiriirkooda wanaagsanyn mudooyinkii dambe, waxaana Khilaafkooda hadda uu gaarey meeshii ugu sareysay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM