Maxaa soo cusbooneysiiyey muranka kuraasta Somaliland?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Cabdi Xaashi oo ku baaqey in la joojiyo doorashadda 16 kursi oo kamid ah kuwa Somaliland, taasoo ka dhacday Muqdisho kadib markii loo mari waayay hanaanka iyo habraaca lagu heshiiyay.

SIET Somaliland garabkii Gudoomiyihii hore ee aqalka sare Barlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa taageerey go’aankii ahaa in la hakiyo doorashada 16 Kursi inta laga heshinayo ergada soo xuleysa.

Cabdi Ismaaciil Samatar oo u waramay telefishinka Goobjoog ee Muqdisho ayaa ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Rooble ku tartarsiiyey in uu si cadaalad ah u maamulay doorashooyinka waddanka.

Samatar oo ah Senator dooran kana mid ah garabka Cabdi Xaashi ayaa sheegay in Rooble doonayo in uu maamulo kuraasta goboladda isaga oo aan wax door ah ku lahayn doorashada maamulada kale.

"Ra'iisul wasaaraha [Rooble] waa in uu ka run sheego tusbaxa uu wato oo uu ummadda u cadaaladda iyo daafurnaanta doorashadda ka shaqeeyo. Tan kale, haddii uu doonayo in uu maamulo reer waqoyiga waa in uu fasax ka helaa saamileyda aan annagu kamid nahay iyo in uu sidaas oo kale u maamulo kuwa maamuladda kale," ayuu yiri.

Garowe Online ayaa fahansan in khilaafkan cusub uu salka ku hayo kursi Xildhibaanimo uu haatan ku fadhiyo Cabdifataax Ismaaciil Daahir kaasoo garabka Mahdi Guuleed uu doonayo in uu si xoog ah ku qaato.

Illo muhiim ah ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in ergooyin been abuur ah doorashada kursigan loo qortay. "Haddii arrintan aan xal degdeg ah laga gaadhin, waxa suurtogal ah in ay horseeddo khilaaf cusub oo sii xoojiya dhibaatooyinka ku gedaaman doorashooyinka Soomaaliya," ayuu yiri xubin si dhow ula socota khilaafkan.

Doorashadda kuraasta goboladda waqooyi ayaa qayb ka ahayd daahitaanka doorashooyinka Soomaaliya waxaana muuqanaysa in mar kale uu soo laabtey is-qabqabsiga waliba xilli aad loo cabsi qabo in dib-u-dhaca uu saameeyo geedi-socodka dowlad-dhiska.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM