Maxaa xilliga doorashada kordhiyay weerarada Muqdisho?

Image
Macallimuu oo horay ula soo shaqeeyey BBC-da ayaa ka bad-baaday ugu yaraan illaa afar qarax

MUQDISHO, Soomaaliya – Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa lagu dhaawacay qarax ismiidamain ah oo Axadii ka dhacay wadada ugu mashquulka badan ee Muqdisho ee Maka Al Mukarama xilli wadanka uu ka jiro khalaaf siyaasadeed oo u dhaxeeya madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisul wasaaraha xukumadda Xilgaarsiinta ah Maxamed Xuseen Rooble.

Macalimuu oo Xaaladadiisa caafimaad lagula tacaalayo Muqdisho waxaa Isbitaalka Digfeer ku booqday wasiirka 1aad ee Xukumadda Maxamed Xuseen Rooble si uu warbixin uga dhagaysto dhakhaatiirta daweyneysa Afhayeenka Xukuumaddaoo ku dhaawacmay weerar ismiidaamin ahaa oo gaari uu watay lagula eegtay agagaarka Isgoyska Dabka ee Magaalada Muqdisho.

Nin xirnaa jaakadda ka sameysan walxaha qarxa ayaana isku qarxiyay qaybtii uu gaarigaasi ka saarnaa, waxaana masuuliyada weerarkaasi Sheegtay Al Shabaab.

Weerarkaan ayaa yimid Iyadoo doorashada baarlamaanka lagu wado in la soo dhamaystiro 25-ka Febraayo, balse jawiga siyaasadeed uu wali yahay mid aan la hubin.

Mucalimuu ayaa u sharaxnaa kursi deegaan doorashadiisu tahay Dowlad-goboleedka Hirshabeelle. Siyaasiyiinta Mucaaradka ah ayaa sidoo kale shakigaliyay qaraxya ku soo badana magaaladda Caamisamada ah Muqdisho.

Xildhibaan Mahad Salaad iyo Axmed Macalin Fiqi ayaa su’aalo ka keenay qaraxa lala bartilmaameedsaday Macalimuu ee uu dhaawaca kasoo gaaray, ayaga oo u rajeeyay in uu si deg deg ah uga soo kaco.

Marka laga soo tago mashruuca siyaasadeysan ee uu ka dhawaajiyey Mahad Salaad, dhankiisa Fiqi ayaa asaguna sheegay inay arrintan u muuqato shirqool lagu beegsanayo rug cadaaga iyo mas’uuliyiinta warbaahinta qaarkood.

Sidoo kale waxa uu ku tilmaamay in ay u egtahay mid abaabulan oo lagu cabsi-gelinayo ama lagu aamusinayo codka warbaahinta ka hortimid kalitalisnimada Farmaajo iyo barnaamijyadeeda, sida uu hadalka u dhigay

Macallimuu oo horay ula soo shaqeeyey BBC-da ayaa ka bad-baaday ugu yaraan illaa afar qarax oo ay badi kasoo gaareen dhaawacyo xoogan, wuxuuna qaraxa markale lala beegsaday kusoo aadaya iyada oo Arbacadii weerar loo adeegsaday is-miidaamin uu ka dhacay wadada 21-ka October, kaasi oo ay mas’uuliyaddiisa ay sheegteen Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa ka horreeyey qarax kale oo is-miidaamin ah oo lagu dilay agaasimihii Radio Muqdisho Cabdicasiis Afrika, kaas oo dhacay 20-kii November ee sanadkii 2021-kii.

Si kastaba, waxaa magaalada Muqdisho ka taagan xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay is jiid-jiidka weli ka taagan hanaanka doorashooyinka oo ay isku hayaan madaxda dalka, taas oo loo sababeynayo amni darrada sii baaheysa ee haatan ka jirta gudaha caasimada Soomaaliya.

Bishii April ee sanadkii hore, Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday  Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa saxiixay sharci muran badan dhaliyay oo labo sano oo kale loogu kordhinayo xilka. Talaabadan ayaa keentay in ay isku dhacaan dowlad-goboleedyada iyo mucaaradka oo dhaliilsan muddo kororsi Farmaajo.

Loolanka siyaasadeed iyo awood yaraan dowladda ayaa qeyb weyn ka qaatay caawinta Al-Shabaab si ay fariisimo uga sameystaan dalka. Khilaafaadka guduhu waxa kale oo uu qayb ka qaadan karaa ogolaanshaha Al Shabaab in xoojiyaan awoodooda Geeska Afrika. Marka la eego qalalaasaha siyaasadeed ee socda, iyo cadaadiska sii kordhaya ee ah la helo doorasho heshiis lagu yahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Ruushka oo La Geeyay Saldhigga Niger Xilli Ay Joogaan Kuwa Mareykanka

Niger, oo ku taal gobolka Sahel ee Afrika, ayaa loo arkaa xudunta cusub…

  • Soomaliya

    03-05-2024

  • 01:00PM

Soomaaliya oo cashar ka baranaysa qorshaha horumarinta da’yarta ee Finland

Wasiirada Dhalinyarada labada dal ayaa yeeshay fadhi labo geesood ah kaas oo diirada lagu saarey qodobo kala duwan.

  • Soomaliya

    03-05-2024

  • 03:21AM