Maxaabiis Al-Shabaab "laguna daray ciidanka oo baxsadey"

Image
Dagaalameyaashan la fakadey hub iyo darees kuna sugan Muqdisho ayaa "maleegaya" is-qarxin ama weerar toos ah.

MUQDISHO, Soomaaliya – Shan maxbuus oo loo xiray Al-Shabaabnimo ayaa lagu daray guutadda Duufaan ee ka tirsan ciidamadda dowladda Soomaaliya, sidda uu shaaciyey Jeneraal Cabdahlla Cabdalla.

Cabdalla oo horey uga mid ahaa hay’adda sirdoonka Soomaaliya ayaa bartiisa Facebook-ga wuxuu ku shaaciyey in shaqsiyaadkan uu jeelka Jilicow ka saarey Cabdullaahi Kulane Jiis-Mareexaan.

Kulane Jiis ayaa kamid ah shaqsiyaadka aadka ugu dhow madaxweynaha muddo xileedkiisu dhacay Farmaajo iyo Fahad Yaasiin Daahir, madaxii mukhaabaraadka iyo lataliyaha amniga qaranka.

Sida laga soo xigtay Jananka oo kamid ah dadka sida dhow ula socda dhaqdhaqaaqa hay’adda sirdoonka Soomaaliya, shantaas dagaalame ayaa ciidamada ka baxsadey 9-kii September.

"Maxaabiis 5 ah oo ka tirsanaa Al-Shabaab ayaa laga saaray Xabsiga Jilicow, waxaana ka saaray Kulane-Jiis, waxaana lagu daray ciidanka Dufan, kadibna waxaa la ogaaday 9-kii bishan inay ka baxsadeen ciidanka iyagoo hubkii iyo dareeskii wata waxayna ku Ku jiraan magaalada," ayuu yiri.

Cabdalla Cabdalla ayaa soo bandhigay laba shirqool oo suurtagal ay tahay in ay raggaas fulinayaan iyo sida loogu baahan yahay in dadweynaha ku dhaqan magaala madaxda ay feejignaadaan.

"Waxaa suuragal ah inay ugu talagaleen inay meel weeraraan ama isku qarxiyaan xarun muhiim, sidaas darteed waxaa muhim ah in arintaas laga feejignaado si gaarka hotelada iyo xarumaha dowlada," ayuu xusay.

Jananka ayaa kusoo gabagabeeyay hadalkiisa: "Ciidanka Dufan waa in laga mamnuuco inta laga helayo ragaas in aysan magaaladda ku dhex socon karin".

Warsidaha Garowe Online ayaan si madax-banaan u xaqiijin karin sheegashooyinka Cabdalla Cabdalla. Taliska ciidamadda Soomaaliya ayaan wali wax war ah kasoo saarin eedentan.

Muqdisho ayaa haatan wajaheysa xiisad ka dhalatay qadiyadda Ikraan Tahliil Faarax oo ka tirsaneyd hay’adda sirdoonka Soomaaliya taasoo la waayey in ka badan laba bilood kahor nolol iyo geerina lagu ogeyn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo Qorsheynaysa Maamul Cusub oo Awdal Ka Hirgala

Dowladda federaalka ayaa wali ku jirta wada-hadallo iyo qiimeyn ku saabsan sida loo hirgelin karo qorshahan.

  • Soomaliya

    17-01-2026

  • 05:26AM

Sacuudiga, Masar iyo Soomaaliya oo ku jira Wadahadallo Ku Saabsan Isbahaysi Ciidan

Mas’uuliyiin ka tirsan Sacuudi Carabiya ayaa cadaadis ku saaray dowladda Soomaaliya in ay xaddido xiriirka ay la leedahay Imaaraadka.

  • Soomaliya

    16-01-2026

  • 06:21PM