Maxaabiis laga keenay India oo yimid Muqdisho [Daawo]

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Diyaarad siday Maxaabiis mudo dheer arrimo burcad-badeednimo ugu xirnaa Xabsiyada dalka India ayaa maanta soo caga dhigatay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho.

Maxaabiistan oo tiradoodu gaarayso 76 ayaa waxaa kusoo dhaweeyay Garoonka Madax ka tirsan labada Golle ee dowladda Federaalka Soomaaliya, oo uu horkacayay ku xigeenka Ra'iisul Wsaaraha, Mahdi Maxamed Guuleed.

Isagoo Warbaahinta Gudaha Garoonka kula hadlayay, ayuu Mahdi Maxamed Guuleed sheegay in Maxaabiistan ay yihiin kuwii ugu dambeeyay ee ku xirnaa Xabsiyada dalka India, kuwaasi oo tiro ahaan gaarayay 120 qof.

Maxaabiistan oo 7 sano kahor ay Ciidamada Badda dowladda India ka qaabteen Xeebaha Soomaaliya, ayaa uga mahadceliyay Xukuumadda dedaalka ay ku bixisay sii deyntooda.

Bishii January waxaa la keenay Muqdisho 41 Maxbuus, maantana 76 kale, iyadoo 3 maxbuux ay ku geeriyoodeen gudaha xabsiuydii ay ku xirnaayeen kadib markii xanuuno ay TB-da kamid tahay ay ku dhaceen, iyagoo u dhintay daryeel la'aan caafimaad.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa bishii August ee sanadkii tagey la gashay India heshiis dhanka is-dhaafsiga maxaabiista, kaasi oo horseeday in muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xirnaa ay dib u helaan xuriyadooda.

Dalal baban oo caalamka ku yaalla, oo u badan Africa ayaa waxaa wali ku xiran muwaadiniin Soomaaliyeed oo qaarkood laga warheyn kuwaasi oo halis ugu jira inay ku dhintaan xabsiyada ay ku jiraan, haddii aan loo gurman.

GAROWE ONLINE

 

 

 

 

Related Articles

Xasan Sheekh oo ku adkeystay hirgelinta doorashada lagu muransan yahay ee qof iyo codka ah

Si kastaba, inta badan odayaashii dhaqanka ee ka qeyb galay kulanka ayaa ugu baaqay Madaxweynaha inuu dib u eego mowqifkiisa.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 01:16PM

Maxay tahay sababta dib loogu dhigay Doorashada Koonfur Galbeed?

Sida ku cad bayaanka rasmiga ah ee ka soo baxay guddiga, maalinta cod-bixinta ee guud ahaan Koonfur Galbeed ayaa loo weeciyay 10-ka May, 2026.

  • Soomaliya

    28-04-2026

  • 12:40PM