Maxaad ka taqaan wakiilka cusub ee QM u soo magacawday Soomaaliya?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres ayaa Wakiil cusub usoo magacaabey Soomaaliya, kadib markii uu dhamaadey mudo xileedka Michael Keating oo mudo 3 sano ah madax kasoo ahaa UNSOM.

Wakiilka cusub, ayaa ah diblomaasi u dhashay dalka South Africa, kaasoo lagu magacaabo Nicholas Haysom, oo 66 jir ah kaasoo horey uga soo shaqeeyay dalalka South Sudan iyo Sudan, oo wakiil uga soo ahaa Qaramada Midoobey.

Nicholas Haysom ayaa sidoo kale 2012-2014 waxa uu madax kasoo noqday Howlagalka kaalmeynta Qaramada Midoobey ee dalka Afghanistan, waana shaqsi xilal sare kasoo qabtey dowladda South Africa iyo UN-ka.

Keating oo Saxaafadda kula hadlaya magaalada Hargeysa, Somaliland

Wakiilkan cusub, ayaa bedelaya Michael Keating, oo u dhashay Ingiriiska, kaasoo xilka loo magacaabey January 2016, iyadoo mudadiisa ay ku egtahay November 2018.

Warsidaha Garowe Online saddex bilood kahor helay xogta ku saabsan in diblomaasi reer South Africa ah lagu bedelayo Michaeal Keating marka uu waqtigiisa ka idlaado dhamaadka 2018. [Halkan ka akhri warka].

Magacaabista Wakiilka cusub ayaa kusoo beegmaysa xilli Soomaaliya ay ka jirto marxalad adag oo dhanka Siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha, islamarkaana maamul goboleedyada intooda badan ay galayaan doorasho guud 2019.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo si Adag u Diidday Wax ka Bedelka Dastuurka Federaalka Soomaaliya

Puntland waxay caddeysay inay aqoonsan tahay oo keliya Dastuurka KMG ah ee lagu heshiiyey sannadkii 2012.

  • Soomaliya

    02-03-2026

  • 09:05PM

Xildhibaannada Baarlamaanka oo Laga Mamnuucay inay ka baxaan Muqdisho

Koox xildhibaanno federaal ah oo u safrayay Garoowe ayaa shalay lagu qasbay inay dib ugu soo laabtaan Muqdish.

  • Soomaliya

    02-03-2026

  • 08:32AM