Maxamed C/risaaq oo shaaciyey sababta xilka looga qaadey

Image
Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa bixiyey tafaasiil naadir ah.

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa si dadban wuxuu uga warbixiyey sababta dhabta ah ee ka dambeysay xil ka qaadistii lagu sameeyay 20-kii November sanadkii lasoo dhaafay 2021-ka.

Maxamuud oo u waramay Brit Somali Tv ayaa ugu horeyn wuxuu "wax aan qurux badneyn" iyo "fool-xumo" qaabka ka dambeysay shaqo ka eryidiisa oo uu ku sifeeyay mid lama filaan ah.

"Runta ayay u dhow-dahay" ayuu ku jawaabay kadib markii la waydiiyey su'aal ahayd in xilka looga qaadey sababo ku aadan in ay isku fahmi waayeen madaxda dalka arrimo la xiriira dhaqaale.

Ill ayaa u xaqiijiyey Garowe Online in Maxamuud uu maalmo kahor inta aan xilka laga qaadin la fariistay Farmaajo iyo Rooble una sheegeen in la xalinayo cabashadiisa oo ahayd siinta lacagta lagu socod-siiyo shaqada.

"Dowladdan - ama muxaafid u ahow ama mucaarad u ahow - waxyaabo badan oo u baahan in runta laga sheego u baahan ayaa jira oo ay kamid tahay mushahar bixinta shaqaalaha iyo ciidamadda. Nasiib darro, taasi ma gaarsiisana wasaaradaha kale ee dowladda waxyaabaha la yiraahdo running cost-ga iyo miisaaniyada," ayuu hadalkiisa intaas raaciyey.

Intii lagu guda jiray wareysiga, Maxamuud ayaa si ballaaran wuxuu isaga fogeeyay warar la xiriirinaya Dowladda Masar gaar ahaan in uu la wadaago "sirta qaranka maadaama xaaskiisa ay kasoo jeedo waddankaas".

"Waa run xaaskeyga waxay kasoo jeedaa Masar. Laakiin, daacaadnimadeyda iyo Soomaalinimadeyda waa mid is-fasireysa. Waa ogaayeen gaar ahaan madaxweynaha. Mana ahan wax aan qarinaayo," ayuu tibaaxay.

Eedeynta ka dhanka ah Maxamuud waxaa loo cuskadey warar soo baxay oo ku aadanaa in Masar ay dooneyso ciidamo ay keensato Soomaaliya. Balse, wasiirkii hore wuxuu sheegayaa in aysan soo gaarin dalab rasmi ah.

"Intii aan aniga xilka imaan, waa jirtay in Masar ay ciidamo noogu tababarto sida dalalka kale nooma qabaleyso - labaduba waa laga diidey," ayuu ka dhawaajiyey Maxamed Cabdirisaaq.

Maxamed Cabdirisaaq oo horay musharax madaxwayne u soo noqdey ayaa haatan wuxuu u sharaxan yahay xubinimadda Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya iyada oo kursigiisa yaalo Gaalkacyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee Xasan Sheekh ku kala raabey Musharaxiinta Xisbiga JSP ee doorashadda Koonfur Galbeed?

Heshiiskan ayaa soo afjaraya hadal-hayn badan iyo hubanti la’aan siyaasadeed oo ka jirtay magaalada Baydhabo.

  • Soomaliya

    26-04-2026

  • 09:15PM

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM