Maxamed C/risaaq oo shaaciyey sababta xilka looga qaadey

Image
Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa bixiyey tafaasiil naadir ah.

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa si dadban wuxuu uga warbixiyey sababta dhabta ah ee ka dambeysay xil ka qaadistii lagu sameeyay 20-kii November sanadkii lasoo dhaafay 2021-ka.

Maxamuud oo u waramay Brit Somali Tv ayaa ugu horeyn wuxuu "wax aan qurux badneyn" iyo "fool-xumo" qaabka ka dambeysay shaqo ka eryidiisa oo uu ku sifeeyay mid lama filaan ah.

"Runta ayay u dhow-dahay" ayuu ku jawaabay kadib markii la waydiiyey su'aal ahayd in xilka looga qaadey sababo ku aadan in ay isku fahmi waayeen madaxda dalka arrimo la xiriira dhaqaale.

Ill ayaa u xaqiijiyey Garowe Online in Maxamuud uu maalmo kahor inta aan xilka laga qaadin la fariistay Farmaajo iyo Rooble una sheegeen in la xalinayo cabashadiisa oo ahayd siinta lacagta lagu socod-siiyo shaqada.

"Dowladdan - ama muxaafid u ahow ama mucaarad u ahow - waxyaabo badan oo u baahan in runta laga sheego u baahan ayaa jira oo ay kamid tahay mushahar bixinta shaqaalaha iyo ciidamadda. Nasiib darro, taasi ma gaarsiisana wasaaradaha kale ee dowladda waxyaabaha la yiraahdo running cost-ga iyo miisaaniyada," ayuu hadalkiisa intaas raaciyey.

Intii lagu guda jiray wareysiga, Maxamuud ayaa si ballaaran wuxuu isaga fogeeyay warar la xiriirinaya Dowladda Masar gaar ahaan in uu la wadaago "sirta qaranka maadaama xaaskiisa ay kasoo jeedo waddankaas".

"Waa run xaaskeyga waxay kasoo jeedaa Masar. Laakiin, daacaadnimadeyda iyo Soomaalinimadeyda waa mid is-fasireysa. Waa ogaayeen gaar ahaan madaxweynaha. Mana ahan wax aan qarinaayo," ayuu tibaaxay.

Eedeynta ka dhanka ah Maxamuud waxaa loo cuskadey warar soo baxay oo ku aadanaa in Masar ay dooneyso ciidamo ay keensato Soomaaliya. Balse, wasiirkii hore wuxuu sheegayaa in aysan soo gaarin dalab rasmi ah.

"Intii aan aniga xilka imaan, waa jirtay in Masar ay ciidamo noogu tababarto sida dalalka kale nooma qabaleyso - labaduba waa laga diidey," ayuu ka dhawaajiyey Maxamed Cabdirisaaq.

Maxamed Cabdirisaaq oo horay musharax madaxwayne u soo noqdey ayaa haatan wuxuu u sharaxan yahay xubinimadda Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya iyada oo kursigiisa yaalo Gaalkacyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM