Maxamed Xasan Nuur Muuse: Nabadoon lagu dilay Muqdisho

Image
Qoyskiisa ayaa xaqiijiyey in lagu dhex-khaarijiyey gurgiisa isaga oo akhrinaya Qur'aan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dabley ayaa lagu waramay in xalay ay gurigiisa ku dhex-dileen nabadoon Maxamed Xasan Nuur Muuse oo kamid ah odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed.

Falkan khaarijinta ah ayaa ka dhacay xaafadda Juungale ee degmada Yaaqshiid. Sida ay sheegeen qoyskiisa, marxuumka ayaa la khaarijiyey isaga oo ahrinaya kitaanka Qur'aanka.

Ma jirto koox illaa haatan dusha saaratay mas'uuliyadda falkan. Balse, dhacdooyinka noocaan ah ee ka dhaca caasimadda waxaa aalaaba dusha loo saariyaa ama sheegta Al-Shabaab.

Xubno ka tirsan qoyska marxuumka ayaa xaqiijiyey in meydkiisa ay ku wareejiyeen hay'adda dambi-baarista CID-da si loogu sameeyo baaritaano lagu baadigoobayo cidda ka dambeysay.

Beegsiga odayaasha dhaqanka ayaa si weyn ugu soo kordha magaala madaxda Soomaaliya xilliyadda doorashooyinka maadaama ay ku lug leeyihiin nidaamka xulista Xildhibaanadda.

Al-Shabaab oo horey ugu yeertay qaar kamid ah odayaasha dhaqanka ayaa uga digtey in ay ku lug-yeeshaan geedi-socodka xulista sharci-dejiyeyaasha baarlamaanka 11aad.

Sidoo kale, waxay ugu hanjabtay in ay talaabo ka qaadeyso cid kasta oo kamid ah odayaasha oo ku lug-yeelata. Tani waxay abuurtay cabsi ah in ay saameyn ku yeeshaan geedi-socodkan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM