Maxay dowladda uga dhigantahay qabsashada deegaanka Ceel Garas?

Image

CEEL GARAS, Soomaaliya - Ciidamada dowladda ayaa maanta la wareegay gacan ku heynta deegaanka Cali Garas oo ka tirsan gobolka Galgaduud Dowlad-Goboleedka Galmudug.

Ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa deegaanka ayaa weerar ku qaaday magaalada oo halbowle u ah Ururka ‘AS’. isla markaana xubanaha uruka ayaa isaga baxay deegaanka, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Xildhibaan Maxamed yare oo ka tirsanaa Golaha Baarlamaanka Galmudug iyo Cabdullaahi Ibraahim Shaaciye oo ka tirsanaa Golaha Deegaanka Dhuusamarreeb ayaana ku geeryooday miino oo ay 'AS' ku aaseen wadadooyinka magaalada.

Ciidamada qaranka ayaa wali ka sii wada deegaankaas hawlgal sifayn ah.

Talaabadan ayaa ka dhigan in kooxda ‘AS’ lagu go’doomiyay deegaanada Jowlo, Bargaan iyo Jacar oo gacanta ugu jirto kooxdaas.

Dadka falanqeeya siyaasadda ayaa sheegay in tallaabadan ay ka dhigan tahay in howlgalka milateri ee ka dhanka ah ‘AS’ uu weli yahay mid waxtar leh oo lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada ah ee ku sugan deegaannada Galmudug.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Gaashaandhigga oo booqday saldhigga ciidamada Itoobiya ee Baydhabo

Booqashadan ayaa qayb ka ah dadaallada Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ee lagu xoojinayo xiriirka saaxiibbada caalamka.

  • Soomaliya

    06-04-2026

  • 03:20PM

Xasan Sheekh oo Baydhabo kulamo kawada xilli loolan loogu jiro Kursiga Madaxweynaha KG

Dhankooda, odayaasha dhaqanka ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyey booqashada iyo dadaallada dowladda.

  • Soomaliya

    05-04-2026

  • 02:30PM