Maxay Guudlaawe ugu adkaatay xulista xubnaha Aqalka Sare?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe, ayaa ku adkaatey inuu qabto doorashadda sideeda kursi ee Aqalka Sare ee loo qoondeeyay Maamulkiisa waqtigii loogu tala-galay.

Guudlaawe oo waqtigiisa ugu badan ku bixiyay safaradda Muqdisho, ayaa dib uga dhigay inuu qabto doorashadda, isagoo ka harey Maamullada kale ee qabtay doorashadda, iyadoo Puntland iyo Koonfur Galbeed ay soo dhameystireen.

Duruufo kala duwan ayaa gacmaha iyo lugaha ka xiray Guudlaawe, waxaana ku furan buuq iyo khilaafyo badan oo uga imaanaya gudaha Maamulkiisa HirShabeelle iyo dhanka Muqdisho.

Isagoo Maanta ka hadlayay furitaanka kal-fadhiga 2aad ee Baarlamaanka HirShabeelle, ayuu Guudlaawe ku balan-qaadey in muwaadin walba uu xaq leeyahay inuu tartamo, hadii uu soo buuxiyo shuruudaha looga baahan yahay musharaxiinta.

Wuxuu caddeeyay inuu kusoo dari doono liiska Musharaxiinta Aqalka sare dhamaan dadka kasoo jeeda HirShabeelle, ee doonaya inay ka qeybgalaan doorashadda.

Mucaaradka iyo dowladda Federaalka waxay saareen Guudlaawe Cadaadis xooggan inuu soo saaro Musharixiintooda, waxayna tani horseeday dib u dhaw weyn oo ku yimid xiliga doorashadda.

Muuse Suudi oo ah hogaamiye kooxeed hore oo weli awoodiisa muuqto, ayaa kamid ah dadka Villa Somalia dooneyso in laga celiyo doorashadda, taasoo Guudlaawe ku adkaatay in liiska Musharixiinta ka reebo.

Wuxuu kamid ahaa Muuse Suudi Baarlamaankii 10aad, isagoo ku fadhiyay Kursi Senate-ka katirsan mudo afar sano ah. Halgankii Muqdisho ka dhacay ee looga hortagey mudo-korarsiga Farmaajo safka hore ayuu uga jiray.

Villa Somalia ayaa dooneysa in Muuse Suudi lagu bedelo C/llaahi Sheekh Xasan oo isku beel kasoo jeedaan, kaasoo Farmaajo aad uga difaaci jiray Warbaahinta marka mucaaradka eedeymo u jeediyaan.

HirShabeelle oo aad ugu dhaw Caasimadda, ayaa ah maamulka saameynta ugu badan ay ku leedahay Villa Somalia marka laga soo tago Koonfur Galbeed, oo doorashadii ka dhacday aad loo dhaliilay kadib markii xubnaha mucaaradka laga reebay tartanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ra’iisul Wasaare Xamse oo sagootiyay ergayga Qaramada Midoobay

Catriona Laing ayaa soo gaba-gabeysey shaqadeedii diblumaasiyadeed ee ay u joogtay dalka.

  • Soomaliya

    04-05-2024

  • 11:37AM

Sarkaal ka tirsanaa booliska Soomaaliya oo lagu dilay Muqdisho

Falkan wuxuu qeyb ka yahay toogashooyin qorsheysan oo caasimada Soomaaliya ka dhacayay maalmihii dambe.

  • Soomaliya

    04-05-2024

  • 05:26AM