Soomaaliya: Maxay ka soo saareen Gollaha wasiirada khilaafkii Boosaaso?

Image

GAROWE, Soomaaliya - Golaha Wasiirada Dowladda Puntland ayaa maanta yeeshay kulankoodii todobaadlaha ahaa, waxaana shir guddoominayay Madaxweyne ku xigeenka maamulka Axmed Karaash. Shirkan oo looga hadlay arrimo dhowr ah ayaa diirada lagu saaray doorashadii dhawaan ka dhacday degmada Boosaaso.

Kulanka oo ahaa mid aad u adag ayaa wasiiradu isku maandhaafeen in la ansixiyo mid ka mid ah doorashada ay qabteen labada garab ee isku haya guddoonka degmada Boosaaso & in la buriyo doorashada labada dhinac maadaama ay jabiyeen habraaca ay soo saartay wasaaradda arrimaha gudaha.

Wasiirka arrimaha gudaha Cabdi Faarax Juxa ayaa sheegay in uu diiday doorashadii golaha deegaanka degmada Boosaaso oo ay qabteen ururada la shaqeeya dowladda, taasoo ansixiyay wasiiru dowlaha arrimaha gudaha Maxamed Axmed Kulan.

Geesta kale, wasiirro ku dhow dhow maamulka talada haya ayaa ka biyo diiday talada wasiirka, waxaanay ku nuuxnuuxsadeen in habraaca loo maray doorashada ay qabteen ururada isbaheysiga kula jira dowladda uu waafaqsan yahay dhammaan shuruucdii lagu dhisay degmooyinka kale.

Goluhu waxa ay isku raaceen in go’aan laga sugo Madaxweynaha xilka kasii degaya ee Siciid Cabdullaahi Deni, ilaa inta uu dalka dib ugu soo laabanayo, si uu loo xaliyo arrintan oo jab ka dhax abuurtay xubnaha Golaha Wasiirada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM