Maxay ka wada hadleen Guddoomiyaha Golaha Shacabka & Safiirka Dowladda Ingiriiska?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa maanta ku qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska Amb. Mike Nithavrianakis.

Kulanka Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Danjiraha ayaa looga hadlay sidii Baarlamaanada Soomaaliya iyo Ingriiska u yeelan lahaayeen xiriir wadashaqeyn.

Danjiraha ayaa sidoo kale xusay in UK ay diyaar u tahay in Baarlamaanka Soomaaliya ay ka taageerto dhameystirka Dastuurka KMG ah oo ay kalfadhigaan labada aqal ka shaqeyn doonaan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo boggaadiyay dadaalka iyo taageerada Dowladda Ingiriiska ay siiso Soomaaliya, ayaa tilmaamay in dalka ku talaabsanaayo horumar dhinacyo kala duwan, oo ay ka mid yihiin amniga, dhaqaalaha iyo in meel wanagsan uu maraayo dagaalka lagula jiro Kooxda ‘AS’.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM