Maxay ka wada hadleen Guddoomiyaha SoDMA iyo Safiirka Imaaraatka?

Image
Safiirka ayaa ballan qaaday in ay sii labo jibaari doonaan garab istaagga shacabka Soomaaliyeed.

MUQDISHO, Soomaaliya - Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta ku qaabilay xaruunta dhexe ee hay’adda Safiirka Dowladda Iskutagga Imaaraatka Carabta Axmed Jumca Al-rumeysi.

Guddoomiyaha iyo safiirka ayaa kulanka kaga hadlay dowrka dowladda Imaaraadka Carabta ee ku aaddan arrimaha la tacaalida fatahaada ka jirta guud ahaan dalka iyo sidii dib u dayactir loogu sameyn lahaa buundooyinka ku burburay magaalooyinka qaar ay fatahaadaha ka dhaceen.

Safiirka ayaa ballan qaaday in ay sii labo jibaari doonaan garab istaagga shacabka Soomaaliyeed iyo ka qayb qaadashada dib u habaynta bundooyinka ku burburay fatahaada ka dhacday dalka.

Deegaanno kala duwan ayaa waxaa ka jira khasaare ka dhashay fatahaadihii ku dhuftay dalka, taasoo sare u qaadaysa baahida dowladda ee u leedahay iskaashi istiraatiiji ah oo laga helo deeq daboolaya baahayaha asaasaiga ee dadka dhibaatadu soo gaartay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM