Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Afwerki?

Image

RIYADH (GO) - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Riyaad kulan kula qaatay Madaxweynaha dalka Eretariya Isaias Afwerki oo ay ka wada qeyb-galeen Shirka Sacuudiga iyo Afrika.

Labada Madaxweyne ayaa ka wadahalday xaaladda gobolka iyo adkeynta xiriirka ka dhexeeya shacabka labada dal, waxayna isla qaateen in wadajir loo wajaho caqabadaha ay wadaagaan.

Madaxweynaha ayaa wada kulmada oo la qaadanayo madaxa Afrika iyo wadama Carabta ka dib shir madaxeedka maalinta Sabtida ku qabsoomay magaalada Riyaad ee dalka Sucuudiga.

Waxaa lagu wadaa in Madaxweynaha uu dib ugu soo laabto dalka ka dib booqashadan uu ku tagay dalka Sucuudiga, si uu u guda galo dadaallada dalka looga xoreynaayo kooxaha argagaxisada.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM