Maxay ka wada hadleen Ra’iisul Wasaare Xamsa & Danjiraha Sweden?

Image
Sweden ayaa sheegay lacag ku biiranaysa Sanduuqa Nabadda iyo Dowlad dhiska Soomaaliya (TPSS).

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya, Ambassador Joachim Waern.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadleen xiriirka iyo iskaashiga ka daxeeyo labada dal iyo taageerada ay Sweden siiso dowladda Soomaaliya.

Danjiraha Sweden u fadhiya Soomaaliya Joachim Waern ayaa sheegay in dalkiisu uu ku biiranayo lacag Sanduuqa Nabadda iyo Dowlad dhiska Soomaaliya (TPSS).

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulanka uga mahadceliyey dowladda Sweden oo maanta ku dhawaaqday in ay ku soo biirtay Sanduuqa Nabadda iyo Dowlad dhiska Soomaaliya ee (TPSS) iyo taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay Sweden u fidiso Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM