Maxay ka wada Hadleen Xasan Sheekh & Wasiirka Difaaca UK?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la kulmay Wasiirka Difaaca ee Boqortooyada Ingiriiska James Heappey, inta uu ku sugnaa magaalada London.

Wasiirka Difaaca UK ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka u xaqiijiyey in UK ay sii wadidoonta taageerada ay siiso Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed si ay uga hortagaan Al-Shabaab.

Kulanka Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wasiirka Difaaca ee Boqortooyada Ingiriiska James Heappey ayaa sidoo kale waxa ay diiradda ku saareen shirka amniga Soomaaliya ee dhowaan ka filayo in uu ka dhaco magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa todobaadkaan gaaray magaalada London halkaas uu uga qeyb galayey shirka hoggaamiyeyaasha caalamka ee ka hortagga cunno yarida iyo aafooyinka sababa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM