Maxay kala yihiin shanta magaalo ee martigelin doona saldhigyada Maraykanka?

Image
Heshiiska ayaa qeexaya in xarummo tababar iyo Ciidan laga hirgeliyo dalka.

Muqdisho, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyey munaasabad lagu saxiixayey heshiiska tayeynta Ciidamada Soomaaliyeed oo ay kala sixiixdeen Dowladaha Soomaaliya iyo Maraykanka.

Madaxweynaha ayaa heshiiskan ku tilmaamay mid horseedaya in Dowladda Maraykanku ay kordhiso taageerada iyo tababarrada Ciidamada Soomaaliyeed, gaar ahaan guutada sida gaarka ah u tababaran ee Danab.

"Heshiiskan waxa uu ka gacansiinayo dowladda Soomaaliya qorsheyaasha dib u habaynta iyo tayeynta Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, halganka dalka lagaga xoreynayo argagixisada iyo xaqiijinta amniga,” ayuu yiri madaxweynah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey dowladda Maraykanka doorka ay ka qaadanayso tayeynta ciidanka sida-gaarka ah u tababaran ee Danab iyo guud ahaan Hay’adaha ammaanka Soomaaliya.

“Waxay lafdhabar u yihiin dagaalka ka dhanka ah “AS” iyo howlgallada socda ee lagu xoreynayo deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan.” ayuu raaciyay.

Heshiiska ayaa qeexaya in xarummo tababar iyo Ciidan laga hirgeliyo Magaalooyinka Muqdisho, Kismaayo, Baydhabo, Jowhar iyo Dhuusamareeb.

Waxaana Labada dowladood u kala saxiixay, Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Xoghaye Kuxigeenka Arrimaha Dibadda Maraykanka ee dhanka Amniga Marwo Bonnie Denise Jenkins.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro oo Si Qarsoodi Ah U Boqday Israa’iil, Lana Kulmay  Netanyahu - XOG

Booqashadan ayaa timid iyadoo Israa’iil noqotay dalka ugu horreeya ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland, oo ah gobol ka tirsan Soomaaliya.

  • Soomaliya

    27-12-2025

  • 02:03PM

Xasan Sheekh oo wadahadal ku saabsan aqoonsiga Somaliland la yeeshay Hoggaamiyeyaasha Bariga Afrika

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in aqoonsigaasi uu yahay fal sharci-darro ah oo halis gelinaya xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    27-12-2025

  • 12:52PM