Maxay kawada hadleen Mursal, Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Afhayeenka Golaha Shacabka baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Mursal Cabdiraxmaan, ayaa habeenimadii Isniinta kula kulmay Muqdisho madaxweyneyaashii 7aad iyo 8aad.

Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ogolaadey casuumaad ay ka heleen gudoomiyaha Aqalka Hoose.

Qoraal kasoo baxay Madasha Xisbiyadda Qaran oo uu horkacayo Shariif, hogaamiyaha xisbiga Himilo Qaran, ayaa lagu sharaxay ajendaha kulankooda.

Sidda laga soo xigtay bayaanka, waxaa kulanka lagu lafaguray amniga sii xumaanaya iyo jahwareerka siyaasadeed ee u dhexeeya xisbiyada, dowladda iyo maamul goboleedyada dalka.

Illaa iyo haatan ma jiro war rasmi ah oo xafiiska Mursal uu kasoo saarey ujeedada keentay is-araga oo aan horey loosii shaacin.

Kulanka ayaa kusoo aadaya iyaddoo dhowaan Golaha Shacabka uu ansixiyey sharciga doorashooyinka oo xisbiyadda mucaaradka iyo maamuladda qaarkood ay walaac ka muujiyeen qodobo.

Qodobadda ay walwalka ka muujiyen waxaa kamid ah midka 53aad oo xeerinaya in dowladda muddo kordhin sameynsan karto hadii ay yimaadaan musiibooyin sidda abaaro.

Doorashooyinka Soomaaliya ee 2020 ayaa qorshuhu ahaa in ay noqdaan qof iyo cod, balse waxa jira aragtiyo sheegaya in aysan qabsoomi karin, "sababtoo ah diyaar-garow la’aan iyo halista Al-Shabaab".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaaf ka taagan cidda hoggaaminaysa Koonfur Galbeed xilliga kala-guurka

Imaanshaha weftiga ayaa muujinaya bilowga kala-guur ay hoggaaminayso dowladda federaalka, kadib iscasilaaddii Laftagareen.

  • Soomaliya

    31-03-2026

  • 01:43PM

Go’doomintii hawada ee Koonfur Galbeed oo dhammaatay: Diyaaradaha rayidka ah oo ka degay Baydhabo.

Adan Maalim Ibraahim, oo ah wakiil socdaal oo ka howlgala Baydhabo, ayaa sheegay in tigidhada la bilaabay in la qabsado xalay.

  • Soomaliya

    31-03-2026

  • 11:56AM