Maxay salka ku haysaa magacaabista Cabdi Maxamed Sabriye?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa saaka sameeya xil ka qaadista iyo magacaabis cusub, xilli Xukuumaddiisa lagu eedeynayo in gudaheeda aan wadashqeyn wanaagsan ka dhaxeyn.

Khayre ayaa xilalkii ka qaadey saddex wasiir oo uu kamid yahay Wasiirkii Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Cabdi Faarax Saciid Juxa, oo ahaa shaqsi ka madaxabanaan siyaasadda ku saleynsan kooxaysiga.

Xilkan oo u gaar ahaa Beelaha Hawiye dowladihii uu dambeeyay ee soo maray dalka iyo wixii ka dambeeyay Burburkii ayaa waxaa loo magacaabay Cabdi Maxamed Sabriye, oo lagu bedelay Juxa.

Cabdi Maxamed Sabriye oo ah Ganacsade waxay isku heeb dhaw yihiin Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo mucaarad ku ah dowladda, islamarkaana dhawaan laga soo daayay xabsiga NISA.

Cabdi Faarax Saciid Juxa ayaa intii uu hayaya xilka kala kulmay cadaadis xooggan xafiiska Ra’iisul Wasaare Khayre, kadib markii uu shaqada ka joojiyay sanadkii tagey Xoghayihii Wasaaradda Yaxye Cali Ibraahim, oo isku qabiil yihiin.

Juxa ayaa sheegay in Idaacadaha uu ka maqlay in xilka laga qaaday isagoo saaka isku diyaarinayay safar uu ugu ambabaxayay magaalada Garoowe, si uu ugu gogol-xaaro Booqashada Madaxweyane Farmaajo ee Puntland.

Cabdi Maxamed Sabriye, ayaa wararka hoose ee uu helay Warsidaha Garowe Online sheegayan in sababaha loo magacaabay ay kamid tahay sidii loogu jebin lahaa mowjadaha dowladda uga soo furmay dhanka Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Magacaabista Cabdi Maxamed Sabriye waxaa kaalin weyn ka ciyaaraya Xildhibaan Saciid Nuur Gariish, oo katirsan Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, ahna Mulkiilaha Shirkadda Diyaaradaha ee Jubba Airways.

Xildhibaan Gariish ayaa ka dhaadhiciyay Villa Soomaaliya in Cabdi Maxamed Sabriye uu yahay shaqsiga kaliye ee lagu jebin karo Cabdiraxmaan Cabdishakuur, oo la sheegay inuu gadaal ka riixayo mooshin xilka looga qaadayo Farmaajo.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo tartanka lasoo galay Farmaajo xilligii doorashada 2017 ayaa hadda dacwad ka taallaa Maxkamad, isagoo laga mamnuucay safarada dhanka dibadda, maadaama baaris ay ku socoto.

Cabdi Maxamed Sabriye ayaa Garowe Online ogaaday inuu lacago badan ku taageeraya Farmaajo doorashadiisii February 8, 2017, isagoo markaas loo balan-qaadey in loo magacaabayo xilka Ra’iisul Wasaaraha dalka.

Magacaabistiisa ayaa hergeli waysay kadib markii Farmaajo uu la kulmay cadaadis uga yimid la-taliyashiisa hoose, ee u waday Ololaha doorashada kuwaasi oo uu kamid yahay Fahad Yaasiin, oo hadda ah Agaasiamaha Madaxtooyadda, Villa Soomaaliya sidoo kalena xiriir dhaw la leh dowladd Qadar.

Cabdi Maxamed Sabriye oo aan Taariikh nololeedkiisa ka muuqan khibrad siyaasadeed iyo xil uu kasoo qabtey dowladihii hore ee Soomaaliya, ayaan la ogeyn inuu wax ka qaban karo Siyaasadda arrimaha gudaha ee dalka oo caqabado culus ay ku hor-gudban yihiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Mareykanka oo ku duqeeyay Daacishta Buuraha Calmiskaad

Faahfaahin gaar ah oo ku saabsan cutubyada iyo qalabka la adeegsaday lama shaacin doono si loo ilaaliyo amniga howlgalka.

  • Soomaliya

    11-03-2026

  • 01:33PM

Madaxweyne Axmed Madoobe oo la kulmay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee AFRICOM

Dardargelinta howlgallada ka dhanka ah kooxda Khawaarijta si looga sifeeyo deegaannada ay weli ku dhuumaalaystaan.

  • Soomaliya

    09-03-2026

  • 10:18PM