Maxay Soomaaliya ka qabaneysaa shirkadda Vladimir Putin adeegsado?

Image

WASHINGTON, US – Shirkadda milatari ee madaxweyne Vladimir Putin uu u adeegsado fulinta siyaasadda Ruushka iyo sirdoonka dalkaas ayaa joogitaan ku leh Soomaaliya, sidda lagu sheegay warbixin lagu daabacay Foreign Policy.

Qormada oo ciwaan looga dhigay 'Gudaha Soomaaliya, Iiraan waxay miin-guurineysaa siyaasadii Afghanistan ee Ruushka' ayaa si weyn ugu eedeysay labadan dal in ay gacansaar la leeyihiin dagaalameyaasha Al-Shabaab.

Warbixinta oo macluumaadka ku jira inteeda badan looga soo xigtay mas'uuliyiin ka tirsan Sirdoonka, hay'addaha iyo wasaaradda difaaca Soomaaliya ayaa nan lagu soo bandhigin wax caddeymo oo xoojinaya sheegashooyinka ku jira.

Mid kamid ah sheekooyinka naadirka ah ee ku jira waxaa kamid ah in shirkadda Wagner Group oo dhanka milariga qaabilsan isla markaana xiriir dhow la leh Madaxtooyadda Ruushka ay ka howlgasho gudaha wadanka Soomaaliya.

Sidda lagu sheegay warbixinta, Wagner Group ayaa kula heshiisay Al-Shabaab in ay qaado weeraro ka dhan ah danaha iyo ciidamadda Mareykanka.

"Shirkadan oo tababarta askar calooshood-u-shaqeystayaal ah ayaa sidoo kale isku dayeysa in ay siiso dowladda Soomaaliya iyo dowlad goboleedyadda tababar iyo qalab, iyaddoo aysan jirin kormeer iyo isla xisaabtan si ay uga fogaato cunaqabateynada Mareykanka," ayuu jaraa'idka ku yiri warbixinta.

Xukuumadda Washington oo ku eedeysay Wagner Group in ay tababarto falaagada kasoo horjeeda dowladda caalamka aqoonsan yahay ee Libya iyo wadamo ay Sudan ku jirto ayaa kusoo rogtay xayiraad dhaqaale.

Warsidaha Garowe Online ayaanan si madax-banaan u xaqiijin karin eedeymahaan aysan wali ka jawaabin xukuumadda Moscow.

Hadii la xaqiijiyo arrintaan, loolanka quwadaha aduunka ee Soomaaliya ayay weji cusub u yeelaysaa, waxaana ay dalka ka dhigeysaa furin kale.

Sikastaba, Soomaaliya oo ku taala aag marineed muhiim u ah dhaqaalaha caalamka iyo kheyraadka ku jira dhulka si lamid ah badda ayaa ka dhigtay dal soo jiitaa quwadaha dunida, balse leyskuma raacsan qaabka loo maareynayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM