Maxay Soomaaliya uga dhigantahay darajada Class A ee la siiyay hawada?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wixii marxalado badan lasoo maraba, oo ay ka mid tahay in hawada Soomaaliya laga maamulo Kenya, maanta waxaa lasoo gaaray heer hawada dalka la siiyo darajada Class A , sida ay shaacisay hay’adda IATA ee maamusha duulimaadyada. 

Markii hore darajada hawada waxa ay ahayd Class G, taas oo ka dhigan in hagayaasha diyaaradaha ee ku sugan xarunta raadaarka Muqdisho ay kaliya bixin karaan talooyin, balse Marka Hadda Class A laga dhigay waxa ay ka dhigantahay in bixiyaan amaro ay tahay in duuliyeyaasha u hoggaansamaan. 

Waxaa kale oo arrintan ay keeneysaa in adeegga ay bixinaysa laanta Duulista Hawada ay ku qaadanayso qidmad lacageed oo aad u badan, waxayna kor u qaadaysaa dakhliga kasoo xarooda hawada. 

Sida uu sheegay agaasimaha hay’adda duulista hawada Soomaaliya Axmed Macalin, maalin kasta waxaa hawada dalka isticmaala 400 oo duulimaad, waxaana sanadkii kasoo xarooda 22 milyan oo doolar, balse hadda darajadan cusub waxa ay lacagtaasi gaaraysaa $36 milyan oo doolar. 

Wasiirkii hore ee duulista hawada Maxamed Cabdullaahi Oomaar oo qoraal soo saaray ayaa u dabaaldegey darajadan cusub, wuxuuna ka sheekeeyay markii xilkaasi loo dhiibay 2017-kii hawada laga maamulayay Kenya, haddana xaalku gaaray in Class A laga dhigo. 

Fardawsa Cilmi oo ah wasiiradda hadda joogta ayaa iyadana soo dhoweysay darajada cusub. 

Darajadan ayaa dhanka kale ka dhigan in diyaarado caalami ah oo markii hore ka baaqsan jiray hawada dalka in ay usoo weecdaan. 

Arrimahan ayaa waxaa suurtogal ka dhigay qalab cusub oo raadaar ah oo lagu rakibay Muqdisho, kaas oo awood u leh hagista, maamulista iyo kala jiheynta duulimaadyada masaafo kasta oo ay cirka ka marayaan.
 
GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM