Maxay Soomaaliya uga dhigantahay darajada Class A ee la siiyay hawada?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wixii marxalado badan lasoo maraba, oo ay ka mid tahay in hawada Soomaaliya laga maamulo Kenya, maanta waxaa lasoo gaaray heer hawada dalka la siiyo darajada Class A , sida ay shaacisay hay’adda IATA ee maamusha duulimaadyada. 

Markii hore darajada hawada waxa ay ahayd Class G, taas oo ka dhigan in hagayaasha diyaaradaha ee ku sugan xarunta raadaarka Muqdisho ay kaliya bixin karaan talooyin, balse Marka Hadda Class A laga dhigay waxa ay ka dhigantahay in bixiyaan amaro ay tahay in duuliyeyaasha u hoggaansamaan. 

Waxaa kale oo arrintan ay keeneysaa in adeegga ay bixinaysa laanta Duulista Hawada ay ku qaadanayso qidmad lacageed oo aad u badan, waxayna kor u qaadaysaa dakhliga kasoo xarooda hawada. 

Sida uu sheegay agaasimaha hay’adda duulista hawada Soomaaliya Axmed Macalin, maalin kasta waxaa hawada dalka isticmaala 400 oo duulimaad, waxaana sanadkii kasoo xarooda 22 milyan oo doolar, balse hadda darajadan cusub waxa ay lacagtaasi gaaraysaa $36 milyan oo doolar. 

Wasiirkii hore ee duulista hawada Maxamed Cabdullaahi Oomaar oo qoraal soo saaray ayaa u dabaaldegey darajadan cusub, wuxuuna ka sheekeeyay markii xilkaasi loo dhiibay 2017-kii hawada laga maamulayay Kenya, haddana xaalku gaaray in Class A laga dhigo. 

Fardawsa Cilmi oo ah wasiiradda hadda joogta ayaa iyadana soo dhoweysay darajada cusub. 

Darajadan ayaa dhanka kale ka dhigan in diyaarado caalami ah oo markii hore ka baaqsan jiray hawada dalka in ay usoo weecdaan. 

Arrimahan ayaa waxaa suurtogal ka dhigay qalab cusub oo raadaar ah oo lagu rakibay Muqdisho, kaas oo awood u leh hagista, maamulista iyo kala jiheynta duulimaadyada masaafo kasta oo ay cirka ka marayaan.
 
GAROWE ONLINE

Related Articles

Hogaamiye Al-Shabaab oo Mareykanka $5 million dul-dhigay madaxiisa oo lagu dilay Jilib 

Dowladda Federaalka ayaa mar kale adkaysay go’aankeeda ah inay sii waddo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    02-01-2026

  • 07:41AM

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka digay qorshaha Israel ka damacsan tahay Somaliland

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in Muqdisho ay la xiriirtay bulshada caalamka, oo ay ku jiraan Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-01-2026

  • 12:41PM