Bayaanka shirka murashaxiinta ee Muqdisho oo aad loo dhowrayo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Shirkii ugu horeeyay oo murashaxiinta madaxtinimada Soomaaliya ka yeeshaan doorashooyinka sanadka 2020-21 ayaa galay maalintii saddexaad iyaddoo diirada la saarayo badbaadinta dimuqraadiyadda dalka.

Shirka oo yimid iyaddoo uu jiro walaac ku aadan in la musuqmaasuqo doorashadda kaasoo ka dhashay markii guddiyada lasoo xulay lala xiriiriyey madaxda waqtiga ka dhacayo ayaa shalay iyo maanta waxaa ku biiray wejiyo cusub.

Ururada bulshadda Rayidka, Odayaasha Dhaqanka iyo Culimada ayaa shalay kasoo muuqdey, iyaddoo maanta ay ku biireen wakiilada Somaliland ee baarlamaanka federaalka kana mid yahay afhayeenka Aqalka Sarre.

Tirro murashaxiin ah ayaa Isniintii la shiray hogaamiyaha maamulka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye kaasoo la sheegay in uu balanqaadey xal u helida is-qabqabsiga ka taagan guddiyadda doorasho ee lagu muransan-yahay.

Sidda ay tibaaxayaan warbixinadda, Qoor-qoor ayaa si lamid ah wuxuu albaabada u furay in uu dhex-dhexaadiyo Farmaajo iyo murashaxiinta.

Doorashooyinka baarlamaanka ayaa loo balansan-yahay December, halka tan madaxweynaha la qorsheynayo in ay dhacdo Febraayo, 2021-ka.

Garabyadda gedaal kaga biiray shirka ayaa la aaminsan yahay in ay xoojinayaa sidii ay u qabsoomi lahayd doorasho xor, xalaal ah laguna qanacsanyahay isla markaana ay geedi u socodkeeda qayb ka yihiin dhamaan daneeyeyaasha.

Sidda laga soo xigtay qaban-qaabiyeyaasha, dedaalada lagu balaarinayo shirka ayaa ujeedkoodu yahay in doorashooyinka soo aadan looga badbaadiyo in la boobo ama uu u afduubto maamulka madaxweyne Maxamed Farmaajo.

Culimadda Soomaaliyeed oo war-saxaafadeed soo saarey ayaa ku baaqay in doorashooyinka ay noqdaan kuwa si nabad ah ku dhaca isla markaana dhinacyadda ayay ku booriyeen in ay isla ogol ku dhameeyaan is-maandhaafka.

Murashaxiinta oo dhankooda bayaan soo saarey ayaa codsaday in guddiyadda laga saaro xubnaha ka tirsan hay’adda sirdoonka iyo shaqaalaha dowlada.

Bayaanka la filayo in uu kasoo baxo shirka murashaxiinta ayaa dhabo cusub u jeexi kara dooda doorashooyinka Soomaaliya, waxaana la rajeynayaa in qoraalkaas ay kasoo ifbaxaan istaraatiijiyado looga hortagayo damaca Villa Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM