Maxay tahay sababta ay DF ugu yeertay safiirka u fadhiya Geneva?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ah u yeertay safiirka u fadhiya magaaladda Geneva ee caasimada dalka Switzerland, sida lagu sheegay war-saxaafadeed.

Sidda laga soo xigtay war qoraal ah oo kasoo baxay wasaarada arrimaha dibada, danjire Faadumo Cabdullaahi Maxamuud ayaa looga baahan yahay in muddo isbuuc ah ay ku timaado xarunta wasaarada ee Muqdisho.

Faadumo ayaa sidoo kale ah wakiilka Soomaaliya u qaabilsan Xarunta Qaramada Midoobey ee xuquuqda aadanaha ee magaalada Geneva, magaala madaxda wadanka Switzerland.

Bayaanka kasoo baxay wasaaradda uu madaxda ka yahay wasiir Axmed Ciise Cawad ayaa nan lagu caddeyn sababta loogu yeerayo marwo Faadumo.

Hasayeeshee, wararka ayaa sheegaya in ay tahay ka aamusitaanka go’aankii uu Madaxwaynaha Mareykanka ugu aqoonsaday Buuraha Golan in ay leedahay Yahuuda halkaasi oo ay isku haystaan Suuriya.

"[Danjire Faadumo] waxaan rajeynayaa in aad mudada kor ku xusan aad ku imaan doonto xarunta wasaaradda ee Muqdisho [caasimada dalka]," ayaa lagu yiri warka.

Xogaha ayaa intaasi ku daraya in danjire Faadumo lagu haysto cabasho ay ka gudbiyeen Soomaalida ku nool dalkaasi oo ku saabsan in aysan shaqadeeda si fiican u gudan marka ay timaado bixinta adeegyada safaarada.

Fahfaahinada ayaa tibaaxaysa in ay qayb ka tahay u yeerida safiiradda dib u habeyn balaaran oo ay xukuumada ku wado safaaradaha dalka u leeyahay caalamka.

"Kama hadli karo," ayuu tiri xoghaynta gaarka ah ee wasiir Cawad markii warsidaha GO uu waydiiyay in u yeerista Faadumo ay xigto in la bedalayo loona wareejinayo jago kale.

Sanadkii hore 2018-kii ayay ahayd markii xukuumada ay u yeertay safiirka iyo diblumaasiyiinta safaarada Soomaaliya ee Suudaan, taasoo ka dambeysay ashtako ay ka gudbiyeen Soomaalida wadankaasi ku nool.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo Maraykanka u soo bandhigtay saldhigyo militari iyo khayraad dabiici ah

Tallaabadan ayaa muujinaysa tartan sii xoogeysanaya oo ku saabsan cidda noqon doonta lammaanaha ugu weyn ee Maraykanka ee Geeska Afrika.

  • Soomaliya

    23-02-2026

  • 01:20PM

Madaxweynaha Soomaaliya oo Dadaal Ugu Jira Inuu Joojiyo burburka Wadahadalada Doorashada

Tallaabadan ayaa u muuqata mid si toos ah uga horimaanaysa codsi ka yimid Villa Somalia oo ku aaddan in wadahadalada la sii wado.

  • Soomaliya

    23-02-2026

  • 11:21AM