Maxay Xasan Sheekh iyo Museveni uga wada hadleen kulanka Kampala?

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

KAMPALA - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo gaaray magaalada Kambaala ee caasimadda dalka Ugaandha, halkaas oo si diirran loogu soo dhaweeyay.

Madaxweynaha ayaa la kulmay dhiggiisa Madaxweynaha Dalka Ugaandha Mudane Yoweri Museveni oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Intaas kaddib, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta u amba-bixi doona magaalada Daarusalaam ee dalka Tansaaniya, si uu uga qayb galo shir aan caadi ahayn oo looga arrinsanayo colaadda ka aloosan Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo.

Shirka Daarusalaam ayaa lagu xoojinayaa dadaallada lagu daminayo xiisadda colaadeed ee ka taagan gobolka, iyadoo Soomaaliya ay mar walba diyaar u tahay iskaashi buuxa iyo taageero ku aaddan nabadda iyo horumarka mandiqadda.

Related Articles

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM