Maxay yihiin Talooyinka Mushariixinta siiyeen Rooble?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gollaha Midowga Musharixiinta ayaa Maanta soo saarey qoraal ay Rooble ugu soo jeedinayaan dhowr talo oo la xiriira sixitaanta qaladaadka ka jira doorashadda oo ay kamid tahay daah-furnaan la'aan.

Waxay soo jeediyeen in la saxo habraaca doorashadda, oo lagu soo celiyo jidkii saxda ee lagu heshiiyay September 17 sanadkii 2020, waxaana kamid ah sixitaanta in lagu laabto kuraastii doorashadooda muranka ka yimid.

Musharixiinta waxay sheegeen in hadii aan la sameyn tallooyinka ku haboon in lagu saxo doorashadda ay keenayso in natiijo lagu muransan yahay timaado, taaso hadhow dalka u horseedaysa xasilooni darro iyo is-qab-qabsi kale.

Qoraalkan ay Mushariixiinta soo saareen Kulankii Rooble iyo Madaxda Maamulada kadib ayaa xambaarsan talooyinka ku aadan sixida doorashadda, waxayna wax badan ku biirinaysaa shirka ka socda Teendhada Afisyooni maalintii 2aad, kaasoo dardar-gelinta iyo daah-furnaanta doorashadda looga hadlayo.

Midowga ayaa soo jeediyay in lagu laabto dhammaan doorashada kuraasta lagu muransanyahay, lana burriyo go’aannadii ay gaareen guddigii xallinta khilaafaadka ee dib-u-habaynta lagu sameeyey.

Golaha Midowga Musharraxiinta ayaa ugu dambeyn qodobada guud ee soo jeedintooda ku daray in markii la saxo habraaca doorashada, la soo saaro jadwal midaysan oo ay ku caddahay maalinta ay doorashadu billaaabaneyso iyo maalinta ay dhammaaneyso iyo sida ay kuraasta u kala horreeyaan.

Shirka Muqdisho ayaa maanta ka duwanaa midkii shalay, waxaana ka qeybgalay Wakiiladda Beesha Caalamka iyo Musharixiinta xubno matalayay.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka Musharixiinta:

No photo description available.No photo description available.No photo description available.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM